Kenyatta waxa uu mar labaad ku guuleystay doorashadii Kiiniya

 

Guddiga doorashada ee dalka Kiiniya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacay Talaadadii.

Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay

Xisbiga mucaaridka ah ee NASA ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Isbeheysiga mucaaridka Kiiniya ayaa sheegay in aysan maxkamad aadi doonin.

bandhige@gmail.com