Khilaaf ka dhex jira qoyska Boqortooyada Sucuudiga iyadoo xubno ka mid ahi riixayaan in Axmed Bin Sacuud laga dhigo dhaxal-suge

Khilaaf culus ayaa la soo werinayaa in uu ka dhex jiro qoyska Boqortooyada Sucuudiga kadib dilkii weriyihii caanka ahaa ee Jamaal Khaashuqji iyadoo cambaarayn badani ku socodo xukuumadda Sucuudiga.

Sida uu telefishanka Al Jazeera weriyey, toddobaadkii ina dhaafay ayaa hay’adda ugu weyn sirdoonka Maraykanka ee CIA ay warbixinteedii ku soo gunaanaday in dilka Jamaal Khaajucsi uu amarkiisa bixiyey Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan.

Taas ayaa werwer ku keentay qoyska Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyadoo la soo werinayo in tobonnaan qof oo ka mid ah ay ku baaqayaan in xilka dhaxal-sugaha laga qaado Maxamed Bin Salmaan laguna beddleay Amiir Axmed Bin Sacuud oo ay walaalo yihiin Amiir Salmaan Bin Cabdicasiis.

Maraykanka ayaa sida warar hoose tibaaxayaan u sheegay amiirrada Boqortooyada Sucuudiga in ay taageeri doonaan haddii ay isla gartaan in Amiir Axmed Bin Sacuud lagu beddelayo dhaxal-sugaha Sucuudiga.

Hase ahaatee Aqalka Cad ayaa laga soo weriyey in aanay ku degdegayn in ay si cad isagaย  fogeeyaan Maxamed Bin Salmaan.

Jamaal Khaashuqji ayaa 2dii Oktoobar saraakiil ka tirsan ilaalada Maxamed Bin Salmaan ay ku dileen Qunsuliyadda Istanbuul ee Sucuudiga. Kadibna waxa ka dhashay buuq caalami ah oo gilgilay Boqortooyada Sucuudi Carabiya si aan weligeed hore u dhicin.

Bandhige@gmail.com