Khilaaf laga soo warinayo Wasaaradda Khayraadka Biyaha

Waxa soo if baxaya khilaaf u dhaxeeya Wasiirka Khayraadka Biyaha Maxamed Muuse Diiriye iyo Agaasimaha Guud Maxamed Xasan Dirir kaas oo sababy in wasiirku uu shaqadii ka hakiyo Agaasimaha.

Khaalid Foodhaadhi oo ka mid ah foolaadka suxufiyiinta baraha bulshada ayaa baahiyey qoraalkan hoose:

Wasiirka ayaa Agaasimaha ku eedeeyay arrimo ay ka mid yihiin: in uu sameystay Shaanbad qarsoodi ah oo aan sharci ahayn, in uu dayac ku sameeyay shaqadii Wasaaradda iyo in uu diiday Wada shaqeyntii xafiiska Wasiirka.
Balse, waxaa xusid mudan in Agaasimaha Guud uu bishii ugu dambeysay xadhig ka jaris iyo kormeer ku sameeyay lix ka mid ah ceelasha biyaha ee gobollada Somaliland, sida lagu baahiyay boggaga Wasaaradda.