Khilaafka Khaliijka: Gadar iyo Maraykanka ayaa kala saxeexday heshiis ku saabsan la-dagaalanka argagixisada

Wasiirrada Arrimaha dibedda ee Gadar iyo Maraykanka oo goor dhawayd shir-saxaafadeed ku qabtay Dooxa ayaa shaaciyey in Maraykanka iyo Gadar ay kala saxeexdeen heshiis lagula dagaalamayo maalgelinta argagixisada.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmay wakhti ay wali taagan tahay go’doomintii ay Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn ay 5tii June ku soo rogeen Gadar.

Wasiirka Dibedda Gadar Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa sheegay in heshiiskani aanu xidhiidh la lahayn khilaafka Khaliijka. Hase yeeshee wuxu waddamada go’doominta ku haya Gadar u soo jeediyey in ay iyaguna ku dhiiradaan in ay heshiiskan oo kale la galaan Maraykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa ku ammaanay Gadar tallaabadan geesinimada ah ee ay qaadday, wuxuuna sheegay in ujeeddada ugu weyn ee Maraykanku ay tahay in ay burburiyaan argagixisada iyo ilaha uu dhaqaaluhu ka soo galo.

Khuburada ka faalloota arrimaha Khaliijka ayaa sheegaya in heshiiskani waji cusub u yeeli doono khilaafka Khaliijka isla markaana meesha ka saarayo tuhun kasta oo reer-galbeedku ka qabi lahaayeen Gadar.

Sidoo kale heshiiskani wuxu culays saari doonaa waddamada Gadar ku soo rogay go’doominta kuwaas oo doodoodu ku dhisnayd in Gadar ay maalgeliso argagixisada.

Rex Tillerson ayaa Khaliijka ku jooga booqaho afar maalmood ah iskuna dayaya  sidii uu u xalin lahaa khilaafka Khaliijka wuxuuna Arbacada beri ah Riyaad la kulmi doonaa wasiirada arrimaha dibedda ee waddamada go’doominta ku soo rogay Gadar.

Tillerson wuxu shir-saxaafadeedka ka sheegay in Maraykanku ay taageerayaan dedaallada dhexdhexaadinta ee Boqortooyada Kuwayd waddo.

Bandhige kala soco hadba wixii ka soo kordha xaaladda Khaliijka.

bandhige@gmail.com