Kiiniya waxay xadhiga ka jartay tareenkii ugu horreeyay muddo qarni ah

 

Madaxweynaha Kiiniya, Uhuru Kenyatta, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray tareen casri ah oo uu ku baxay kharash ka badan saddex bilyan oo doolar.

Lacagahaasi ayaa inta badan laga soo ammaahday dalka Shiinaha, waxaana mustaqbalka la rajeynayaa in tareenkani uu isku xiro waddamada bariga Afrika.

Tareenka ayaa saaka ka soo dhaqaaqay magaalada Mombassa, waxaana rakaabka saaran ka mid ah madaxweyne Uhuru Kenyatta. Wuxuu ku socdaa magaalada Nairobi.

Waa mashruucii ugu ballaarnaa oo ay dowladda Kenya hirgelisa tan iyo markii ay qaadatay xornimada.

Khadka tareenka oo ay dhistay shirkad laga leeyahay Shiinaha ayaa waxaa lagu dhisay muddo saddex sanno iyo badh gudahood.

Wajiga labaad ee dhismaha ayaa lagu wadaa in uu tareenkan ku xidha Mombasa dalalka dersika la ah Kiiniya sida Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Burundi iyo Rwanda.

Safarka tareenka ee Nairobi ilaa iyo Mombasa wuxuu qaadanaya muddo afar saacadood ah, halka gawaadhida rakaabka dadweynaha ay isla masaafadaasi ku qaadato ilaa iyo 12 saacadood. Tikidhada tareenka ayaa iyaguna la sheegay inay ka jaban yihiin kuwa basaska.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xafladdii xadhiga looga jarayay tareenka ka sheegay in mashruucan uu yahay mid taariikhi ah.

Dawladdu waxay ku doodeysaa in khadkan cusub uu Kiiniya u soo jiidi doono maalgashi dibedda ah.

Xisbiyada mucaaradka ayaa dhinaca kale dhaleeceeyay kharashka badan ee ku baxay dhismaha tareeenka, waxayna ku doodayaan in faa’iidada dhaqaale ee mashruucan laga badbadiyay.

bandhige@gmail.com