Kiiniya waxay xidhay dhaqaatiir waday shaqo joojin muddo laba bilood ah

Garsoore Kiiniyaan ah ayaa xabsi muddo bil ah ku xukumay saraakiil ka tirsan Midowga Dhaqaatiirta dalka Kiiniya, sababo ka xidhiidha shaqo joojinta muddo socotay oo ay wadaan.

Dhaqaatiirta ayaa dalbanaya mushahar ka wanaagsan kan imika ay qaataan iyo xaalad shaqo oo ka wanaagsan tan imika.

Shaqo joojinta ay wadaan ayaa socotay tan iyo shanti bishii December ee sannadkii 2016.

Dhaqaatiirta ayaa doonaya in dawladda ay fuliso heshiis la gaadhay sannadkii 2013 oo lagu siinayo mushahar ka wanaagsan kan imika ay qaataan, waxayna diideen mid ka yar heshiiskaas.

Macalimiinta jaamacadaha dalka Kiiniya ayaa iyagana sidoo kale ku jira shaqo joojin tan la mid ah.

Shaqo joojinta ayaa waxa ay tijaabo u tahay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo raadinaya in mar kale dib loo doorto, doorashada ka dhici doonta Kiiniya dhowr bilood ka dib.

bandhige@gmail.com