Saldhiga Imaaraadka ee Berbera faa’ido mise khasaare? (WQ: Khadar Cabdi)

 

Shalay 02/12/2017, baarlamaanka Somaliland waxay muujiyeen ama ay qaateen go’aan aan la ilaabi Karin oo taariikhda galay. 26 sano waxa uu dalkeenu dagaal dheer ugu jiray sidii uu u heli lahaa fursad maalgashi oo lagaga baxo camal la’aanta baahsan ee ka jirta guud ahaan dalka.

In la helo maalgashi caalami ah waxay fure u tahay inay dadkku ku soo hirtaan isla markaana aaminanaan in Somaliland tahay meel lagu aamini karo hanti, iyada oo ay ka horaysay mashruucii weynaa ee dekada Berbera; kaas oo runtii ahaa mid soo jiitay indhaha beesha caalamka iyo wadamada jaarka ah.

Somaliland hadaba waxay nasiib u heshay in wadanka imaaraadka carabtu uu saldhig milatari ka samaysto, iyada oo Africa marka laga hadlaayo dalka South Africa oo kaliya ay ku yaalaan 7 fadhi oo ah ‘military base’ saldhig milatari oo xataa ay ku jiraan meelo ay diyaaraha dagaalka ee qumaatiga u kacaa ay ka haadaan.

Somaliland sanadkaa maanta ah ma jiro wadan Africa-ka ku yaala oo ka nasiib iyo ayaan roon; sababta oo ah waxay isku heshay goob ku haboon saldhig military, kaas oo uu hore u hir galiyey wadankii Ruushka oo markaasi ahaa awoodaha kaliya ee aduunyada ka talin jiray dhanka milatariga.

Labada gole baarlamaan ee uu shalay madaxweynaha Somaliland ka codsaday inay waajibaadkooda ka gutaan masiirka umadda ayaa cod taariikhi ah ku meel mariyey in Bebrera laga sameeyo fadhi ciidaan oo awood badan. Ilaahay cimriga iyo caqliga ha u barakeeyo madaxweyne Axmed Siilaanyo oo go’aanka hogaamiyaasha dunida lagu yaqaan shalay qaatay, isaga oo ku dhacay in labada gole baarlamaan uu ka ansixiyo heshiiska imaaraadka.

Dalkayga Somaliland wuxuu dhabaha saaray guushii horumarka, uma baqaayo in maanta hagardaamo iyo xagal daac ay ku samaayeen siyaasiyiinta uu madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaaminayo; waxase aan la  yaabanahay doorka mucaarid isku sheegu maanta ay ka qaateen maalgashiga wadankeena, iyaga oo aad moodo rag shisheeye.

Somaliland marka ay ugu faa’ido yaraato waa marka uu amnigeedu taam-noqdo, inaga oo aan ka cabsi qabi doonin cid galangal siyaasadeed inagu samaysa, isla markaana waxaynu heli doonaa damaanad qaad buuxa oo dhanka qaarada ah, intaas waxa inoo raaci doonaa dhismaha ciidankeena oo la xoojiyo

 

W/Q: Khadar Cabdi

Khadarc16@gmail.com