“Kombiyuutarradii la jabsaday ee Gadar waxa ka dambeeyey Imaaraadka” Sirdoonka Maraykanka

Amiirka Gadar oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay. 20kii September 2017

Jariirradda caanka ah ee Washington Post ayaa manta daabacday in kombiyuutarradii la jabsaday ee ay lahaayeen madaxda Gadar ay ka dambeeyeen Imaaraadku.

Weerarkaas Kombiyuutarrada Gadar lagu jabsaday wuxu ahaa kii sababay ama soo dedejiyey in Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo Masar ay xidhiidhka u jaraan Gadar.

Kuwii jabsaday ayaa wakaaladda Wararka ee Gadar ku daabacay war ay Gadar beenisay oo sheegayey in uu Amiirka Gadar yidhi “Iiraan waa awood weyn oo Islaami ah” isla markanaa uu ku ammaanay ururrada Xamaas iyo Akhwaanu-Muslimuun.

Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in ay ogaadeen madaxda Imaaraadka oo falanqaynaysa ficilkan kombiyuutarrada lagu jabsaday 23kii May 2017, taas oo ahayd maalin uun ka hor markii la jabsaday.

FBI-da Maraykanka ayaa in muddo ah xukuumadda Gadar kala shaqaynaysay sidii ay ku ogaan lahayd cidda jabsatay kombiyuutarradeeda.

Jariiradda Washing Post ayaa sheegtay in ay warkan ka soo xigatay Hay’adda Sirdoonka ee Maraykanka, waxaanay isku dayday in ay wax ka waydiiso Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka wax jawaab ahse ma ay helin.

Bandhige@gmail.com