Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa soo gaadhay qalabkii Doorashada Madaxtooyadda ee13 Noofambar

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranku oo muddooyinkan dambe ku guda jiray diyaargarowga doorashada madaxtooyadda ee qorshaysan in ay waddanka ka qabsoonto 13 Nov 2017 ayaa waxay waddanka keeneen dhammaan agabkii doorashada lagu qali lahaa:

Waxa shalay 07/10/2017 madaarka Cigaal International Airport soo gaadhay laba diyaaradood oo siday qalabka doorashada oo ka koobnaa:

  1. Sanaaduuqda codbixinta
  2. Lingaxyada
  3. khadadka shaambada
  4. iyo Qalab kale oo badan

Sidoo kale saaka Subixii hore 08/10/2017 waxa madaarka soo gaadhay diyaaradii saddexaada oo siday waraaqihi codbixinta iyo foomamka kala duwan ee loo adeegsan doono doorashada:

Waxa diyaaradan siday waraaqaha codbixinta la socday Komishaneer Siciid Cali Muuse iyo Kommishaneer Cabdiraxmaan Cismaan Aadan oo Todobaadka u danbeeneyey ku maqnaa soo rarista qalabka doorashada.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com