Geeskii Afrika Xaalad Dagaal Ayuu Galay W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Dawladda Itoobiya oo diyaargarow dagaal gashay, ayaa wiigii ugu dambeeyey hubkii ugu badnaa iyo ciidamadood ku soo guraysa xadka ay Soomaaliya la wadaagto. Waxa ay dhawaan keeneen gantaalaha Balastiga noociisa M-20. Bishii ugu dambaysay waxa dhawr jeer yimid saldhigyada Itoobiya ee xadka kulaalaya saraakiisha ugu sarraysa ciidamada. Maanta Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa ciidamadiisa iyo shicibkiisa la hadlay. Wuxuu sheegay hadal dagaal oo ah in aanay waxba dhulka ka oolin.
= Masar oo dawladda Soomaaliya dalkeeda ku casuuntay si Itoobiya ula dagaalanto, ayaa iyana ciidan iyo hub ku soo daabulaysa gudaha Soomaaliya. Masar waxa ay shalay sheegtay inay Shiinaha ka soo iibsanayso diyaaradaha dagaalka ee J-10. Diyaaradahan ayaa u dhigma diyaadaha dagaalka ee reer galbeedka ee F-16. Soomaaliya ciidamada Masar laba ujeedo ayey ka leedahay: kow inay ciidan u tababaraan si Soomaalilaan u soo weeraraan. Laba in ciidanka Masar ay Itoobiya la dagaalamaan, si colaaddii webiga Niilka loo soo raro.
= Soomaalilaan,waxaad moodaa inuu Ilaahay waafajiyey diyaargarow dagaal. Muddo sannad ah waxa Itoobiya iyo Taywaan ka soo qallinjabiyey kumanaan kun oo ah ciidamada kala duwan. Waxan oo dhan waxa keenay heshiiskii MOU ee madaxweyne Biixi la soo galay Itoobiya. Heshiiskaasi wuxuu ahaa Bombo weyn oo Nikliyeer ah uu Biixi geeska Afrika ku dhuftay.