Fursad Dahabi ah Ayaa Hortaal Maayar Ku-xigeenka Hargaysa. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= In aad xil sare qabatid, waxa ay u baahan tahay in aad la socoto waayaha ku horyaal iyo sida fursadaha ku soo mara looga faa’idaysyo. Tiro ma leh inta nin ee jago ku-xigeen soo maray ee uga dallacay xil buuxa. Xigmad Af Ingiriis ah ayaa tidhaa” Talent is universal but opportunity is not.” Oo nuxur ahaan noqonaysa, in hibadu tahay wax loo siman yahay, laakiin fursadu aanay la mid ahayn ee ay tahay sidaad uga faa’iidaysatid.
= Maayar ku xigeenku wuxuu ciyaari karaa fursad uu Maayar ku noqdo maadaama oo ay xukuumaddii isku kacsan yihiin Maayar Mooge. Wuxuu toos ugu biiri karaa xisbiga Kulmiye isaga oo wata koox Xildhibaanno ah, sidii meello badan oo dalka ka dhacday oo kale. Ka dib Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kal-fadhiga golaha furi karta, taasina waxa ay horseedi doontaa inuu Maayar noqdo. Hore waxa loo yidhi” Dumar iyo dawlad lagamana fogaado, lagumana fogaado.”
Like

Comment
Send