Koomiishanka Xakamaynta Xannuunka HIV/AIDS ayaa barnamij wacyigelineed ka bilaabay koomiishanka Tamarta Qaranka

Koomiishanka Xakamaynta Xannuunka HIV/AIDS ayaa barnamij wacyigelineed ka bilaabay koomiishanka Tamarta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Barnaamijkan wacyi-gelineed oo lagu magacaabo Baraarug ayaa ah mid dadka lagaga wacyi-geliyo xannuunka HIV/AIDS, waxaana munaasibad lagu wacyi-gelinaayo shaqaalaha Koomiishanka Tamarta Qaranka Somaliland, lagu qabtay xarunta Koomiishanka, iyada oo ay munaasibadan kasoo qayb galeen Guddoomiyaha Koomiishanka Tamarta Qaranka Somaliland Axmed Faarax Cadare, Agaasimaha Koomiishanka Tamarta iyo shaqaale weynaha Koomiishanka.

Agaasimaha Wacyi-gelinta iyo Abaabulka ee Koomiishanka Xakamaynta Xannuunka HIV/AIDS Maxamed Xaaji Yaasiin, waxaanu faah faahin ka bixiyey barnaamijkan wacyi-gelinta ah iyo sida loogu baahan yahay, waxaanu tilmaamay in tilmaamay in loo baahan yahay in dadka xannuunkani haleelay laga ilaaliyo takoorka.’

Guddoomiyaha Koomiishanka Tamarta Qaranka Axmed Faarax Cadare iyo Agaasimaha Koomiishankaas,waxaanay tilmaameen in marwalba ka hortagu ka wanaagsan yahay daweynta,iyaga oo usoo jeediyey shaqaalaha Koomiishanka Tamarta in ay fariintan wacyi-gelineed iyo waxyaalaha ay kulankan wacyi-gelinta ah ka bartaanba gaadhsiiyaan bulshada inteeda kale.