Madaxa xisbiga talada haya ee dalka Koofur Afrika ayaa ugu baaqay in guud ahaanba hoggaanka xisbiga ay is casilaan.
Dadka loogu baaqay inay is casilaan waxaa ka mid ah Madaxweynaha, Jacob Zuma.
Jackson Mthembu waxa uu tallaabadaasi ku sharaxay in ay tahay go’aan lagu dacweynayo wasiirka dhaqaalaha Pravin Gordhan.
Waxaa lagu eedeynayaa musuqmaasuq, in uu si xun u isticmaalay awoodiisa iyo in danihiisa siyaasadeed oo kale ah uu ka shaqeeyo.
Waxa uu sheegay, Jackson Mthembu, in dawladda ANC ay ka xun tahay dawladdii midab takoorka.
Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaa soo baxayay khilaaf ka dhex taagan xisbiga Koonfur Afrika maamula ee ANC.
Madaxweyne ku xigeenka, Cyril Ramaphosa, ayaa muujiyay in uu taageerayo wasiirka dhaqaalaha Mr Gordhan.