Kooxda Xiddigaha Geeska oo shir-jaraa’id ku sheegay in aan khilaaf ka dhex jirin

 

Kadib warar maalmihii ugu dambeeyey la isla dhex marayey oo tibaaxayey in khilaaf ba’ani ka dhex jiro Xiddigaha Geeska ayaa waxay maanta shir jaraa’id  ku qabteen Wasaaradda Warfaafinta kaas oo ay ku muujiyeen in aanu kooxda wax khilaaf ahi ka dhex jirin laakiin laga saaray Maxamed BK oo jebiyey shuruucdii kooxda u taallay isla markaana ay doorteen hoggaan Cusub.

Guddoomiyihii hore ee kooxda Xasan Saleebaan Dhuxul ayaa sheegay in uu xilkii kooxda ku wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee la doortay isla markaana aanu jirin khilaaf hadda ka dhex taagan kooxda.

Hoos ka daawo muuqaalka Wakaaladda Wararka ee Somaliland ee shir-saxaafadeedka kooxda: