kormeerka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka awdal.

Borama-20-September-2023- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo safar shaqo ku joogay gobolka awdal magaalo madaxdiisa Borama ayaa kormeer iyo indho indhayn ku tagay xarumaha kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka awdal iyo Cusbitaalka weyn ee magaalada Borama.

ugu horayn Wasiirka ayaa kulamo kala duwan la qaatay maamulka Caafimaadka ee gobolka awdal oo ay hogaaminayaan isuduwaha Caafimaadka iyo agaasimaha Cusbitaalka Borama, Wasiirka ayaa masuuliyiinta ka dhagaystay warbixino kala duwan iyo halka ay marayso Xaaladda Caafimaadka ee gobolku, intaa kadib Wasiirka iyo Masuuliinta ayaa kormeer kusoo maray Qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Cusbitaalka weyn ee magaalada Borama, isagoo Wasiirku kulamo kala duwan la qaatay Shaqaalaha Caafimaadka iyo dhakhaatiirta ka hawlgala Cusbitaalka si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha shaqo ee Cusbitaalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay Shaqaalaha caafimaadka, hoostana ka xariiqay in Shaqaalaha Caafimaadku yahay naftood horayaal Qaran, isagoo kula dardaarmay inay sii kordhiyaan hawlaha Shaqo ee ay u hayan bulshadooda, Wasiirka ayaa sidoo kale u duceeyay dhamaan bukaanka adeega Caafimaad usoo doontay cusbitaalka in uu alle Caafimaad degdeg ah siiyo.