Kulan-diimeedka 3aad Ansaaru Sunnah ayaa ka furmay Hargeysa

Kulan diimeed-ka Ansaaru Sunnah oo sannadkiiba mar la qabto ayaa ka furmay Hargeysa. Waa kulan-diimeedkii saddexaad.

Waxa ka soo qaybgalay culimo caan ka ah geyiga Soomaalida oo ka kala yimid deegaannada kala duwan ee ay degaan ummadda af-Soomaaliga ku hadasha.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa ka qaybgalay madax sare oo Somaliland ah oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, Maayarka Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Waanu idinla wadaagi doonaa haddii uu kulankan ka soo baxo war-murtiyeed.