“KULMIYE wuxuu dheer yahay xisbiyada kale Siilaanyo oo ah hoggaamiyhii qaranka, oo aan tartamayn oo xaq-na u leh xisbigiisa inuu taageero iyo inuu dhiso Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici.” Maxamuud Xaashi.

 

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ayaa sheegay in Madaxweyne Silaanyo xaq u  leeyahay taageerida iyo u ole-olahynta Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in Musharaxa KULMIYE uu yahay hogggamiyaha ugu haboon wakhtigan inuu qabto talada dalka, isla markaana uu yahay hooggaamiye la tijaabiyey oo lagu kalsoon yahay.
Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay khubad uu ka jeediyey khayriyada magaalada, Burco halkaas oo ay isugu yimaadeen kumanaan ka mida taageeryaasha Xisbiga KULMIYE, kana bilaabeen ole-olaha doorashada, waxaanu hadladii Wasiirk Xaashi ka mid ahaa
“ Burco waa Burcadii hore ee la yaqaanay, hadii dadka qaar moodayey wax kale, waxaannu leenahay Burco waa Kulmiye,  Burco waa Kulmiye,  Burco waa Kulmiye. Doorashadii Madaxtooyada meelmo yar baa inooga hadhay, 13-ka November ayaa cid waliba waxay heshay u soo bixi doonaa, Kulmiye waa xisbi weyn oo waayo arag ah, wuxuu dheer-yahay xisbiyada kale ee la tartamaya shan hal, oo aanay inala wadaagin, waxa aynu nahay xisbigii todobada sanno dalka maamulayey ee waxqabtay oo hadal tiro ma hayno.
“ Waxa aynu nahay xisbi waayo arag ah oo shalay dhacay, oo yaqaana guusha, waxa aynnu leenahay qolooyinka layliga ah, ninkii dhici jiray dhib kuma ah dhawaan baradkow ha dheeliman,  WADDANI waxa aynnu leenahay ninkii dhici jiray dhib kuma aha ee dhawaan barad-kow ha dheeliman.”
Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Kulmiye wuxuu dheer yahay xisbiyada kale hoggaamiyhii aas-aasay xisbiga ayaa nusdambeed u ah, oo ah hoggaamiyhii qaranka, oo aan tartamayn oo xaq u leh xisbigiisa inuu taageero iyo inuu dhiso Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici, xaq siyaasadeed ayuu u leeyahay, dunida oo dhana waa sidaa, dalka dumuquraadiyada ugu caansani waa dalka Maraykanka, shalay Madaxweyne Barck Obama, wuxuu u ole-olaynayey Hilary Cilinton, Siilaanyo kuma ceeboobo haduu taageero xisbigiisa.
Wasiir Xaashi ayaa ka hadlay kartida iyo hal adagayga Musharax Muuse Biixi waxaannu yidhi  “ Maxaa kale oo aynnu dheer nahay? hoggaamiyaha aynu dhisayno ee musharax ah, ee kabaha Siilaanyo gashan doonaa waa hoggaamiyaha ugu wanaagsan waa Muuse Biixi Cabdi, waa nin la yaqaano, wuxuu soo maamulayna waa la yaqaanaa, laba dhacdo oo taariikhi ah ayuu leeyahay marka khibradiisa kale ee siyaasadeed laga tago, labadiiba Ummadda wuu kala soo dabaashay, midi waxay ahayd maalintii Baligubadle oo maalin adag ahayd, wuxuu dhisayey Maxmed Xaashi Cilmi, wuxuu ka soo horjeeday Cabdiraxmaan Axmed Cali, si adag ayuu u maamulay shirkii, dhan  cod ayaa lagu kala helay, Cabdiraxmaan ayuu guushi siiyey, maalin adag ayey ahayd isna nin adag ayuu ahaa, Cabdiraxmaan Axmed Cali, (AHN) waxa uu yidhi Muuse sidaan moodayey noqon waa, halku dhigaas ayuu ka tagay.”
“ Muuse waa hoggaamiye, wuxuu ahaa Wasiirkii Arrimaha gudaha ee Madaxweyne Cigaal, ee ka caawiyey inuu qaado maleeshiyooyinkii kantaroolada fadhiyey, ee qarankan dhidibada u taagay, Muuse waakaas ayeynu leenahay ee ragga la tartamayaa wax hala soo baxaan, bal car wax hala soo baxeen, bar car wax hala soo baxeen.”
Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Waxa kale oo aynnu leenahay Kulmiye waxa kale oo uu xisbiyada dheer yahay, Kulmiye maaha xisbi jeegaan iyo xisbi qabiil maaha, xisbi gobol kaliya maaha, afar gobol ayuu xoog ku ahaan jiray oo waligii ku adkaan jiray, Togdheer, Sanaag, Sool iyo Maroodijeex afartaa Kulmiye waligii lagama qaadin, laba gobol-na maanta Kulmiye intii uu dawladda ahaa ayuu kasbaday, waa Saaxil iyo Awdal, berito ayeynu kala bixi doonaa. Fariintaydu waxa weeye codeeya, si nabadd ah u codeeya, Kulmiyena u codeeya.” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
bandhige@gmail,com