La-taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir, ayaa soo bandhigay dariiqa sharci ee loo maray doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada ee qabsoontay maalintii Axadda, isagoo sidoo kale ka hadlay qaabka loo marayo tabashooyinka ka soo baxa doorashada xubnaha shir-guddoonka Golaha Wakiillada.
Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir oo warraysi dhinacyo kala duwan leh siiyey wargeyska Jamhuuriya shalay, waxa uu iftiimiyey sharcinimada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax iyo in Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ka garniqi karto go’aanada ka soo baxay Golaha Wakiillada.
Waraysigaas oo garyaqaanku kaga jawaabay su’aalo wax lagaga weydiiyey hannaankii loo maamulay tirinta codadkii xildhibaannada Golaha Wakiilladu ku doorteen guddoomiyaha cusub, sharciyadda doodda sheegashada xildhibaan Talyane iyo arrimo kale oo xiise leh waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: Garyaqaan, sharciyan bal sharrax kooban naga sii qaabkii iyo hannaankii ay u dhacday doorashadii guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada oo muranka xooggan dhalisay ma ahayd mid sharci ah?
Garyaqaanka: Walaal; haddaan ka jawaabo su’aashaas Golaha Wakiilladu isagoo raacaya Dastuurka Jamhuuryadda Somaliland, qodobadiisa 45aad iyo 53aad iyo waliba Xeer-hoosaadka qoddobaddiisa kala ah; 6aad iyo 25aad ayuu qabtay fadhi. Kalfadhigan 32aad taariikhdu markay ahayd 06 August 2016, fadhigaas oo loo ballansanaa in lagu doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, xilkaas oo sida aad ka warqabtaan uu banneeyey, iskana casilay guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi 02 August 2017, iyadoo xeer-hoosaadku si cad u tilmaamay qodobkiisa 6aad Faq 4aad in “Marka ay bannaanaato jagada guddoomiyaha, waxa shaqada sii wadaya Guddoomiye-xigeenka 1aad, goluhuna shaqo kale ma qabanayo ilaa uu doorto guddoomiye, taas oo ku dhacaysa 7 maalmood gudahood haddii uu kalfadhigu furan yahay.
Haddaba, iyadoo qobobkaas laga duulayo, waxa fadhiga furay Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Baashe Maxamed Faarax, markii fadhiga la furay Guddoomiye-ku-xigeenku wuxuu soo gudbistay, iclaamiyeyna inuu u sharraxan yahay Guddoomiyaha Golaha, iskana casilay xilka guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha, sida uu sheegayo xeer-hoosaadka qodobkiisa 10aad oo odhanaya “inuu iska casilo xilka, wareejiyana guddoominta fadhiga.”
Waxa isla markiiba guddoominta fadhiga golaha la wareegay Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf Axmed, waxaanu isagoo xeer-hoosaadka raacaya qodobka 6aad faq 7 iyo 8aad uu soo bandhigay murrashax kastaa waa inuu soo gudbiyo qoraal muujinaya rabitaankiisa oo ay la socdaan laba sawir iyo taariikh-nololeedkiisa (CV). Murrashax walba waa inuu qoraalkiisu ku soo qeexaa jagada uu u tartamayo; haddii ay tahay guddoomiyaha iyo ku-xigeennada. Waxa qoraalkooda murrashaxnimo soo gudbistay Md. Baashe Maxamed Faarax oo hore u ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Talyaani oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiillada, waxaannu guddoomiyaha fadhigu mudane Cali Yuusuf Axmed soo bandhigay in jagadaas Guddoomiyaha Golaha ay soo gudbisteen, una sharraxan yihiin Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax.
Intaas kadib Guddoomiyuhu isagoo raacaya xeer-hoosaadka wuxuu amray xoghaynta in codka la sugo tirada xildhibaannada ah ee golaha fadhiya, waxaannu ku dhawaaqay in 78 mudane ay fadhiyaan, xaadirna yihiin, kadibna wuxuu bilaabay codayntii oo uu ku bilaabay cidda u codaynaysa murrashax mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, dabadeedna wuxuu ku xigsiiyey mudane Baashe Maxamed Faarax, kadibna guddoomiyuhu markuu aad u hubsaday tirada codadka ay kala heleen labada murrashax, wuxuu ku dhawaaqay natiijadii, waxaanay u dhacday in mudane Cabdiraxmaan Talyanle uu helay cod dhan 38 cod, halka uu murrashaxa laadna helay 39 cod, waxaannu sheegay guddoomiyaha fadhigu waa guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Md. Cali Yuusuf Axmed inuu ku guulaystay jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax. Waxa uu isagoo xeer-hoosaadka raacaya isla fadhigaas ku wareejiyey guddoominta golaha guddoomiyaha cusub ee la doortay, guddoomiyihii cusbaana wuxuu iclaamiyay isagoo raacaya xeer-hoosaadka golaha, qodobkiisa 6aad oo sheegaya in doorashooyinka guddoomiye-ku-xigeennada la waafajiyo hab-raaca doorashada guddoomiyaha oo noqonaysa in mudda toddoba casho ah lagu doorto Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha oo ka bilaabmaysa maalintii xilkaa la banneeyay oo ahayd 06 August 2017-ka, markaa hannaanka sharci ee loo maray habkaas sharciga ah ayuu ahaa, waanay caddahay Xeer-hoosaadka Golahana way waafaqsanayd.
Jamhuuriya: Sharciyan miyaanu murrashaxa la iclaamiyay in laga guulaystay oo ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle xaq u lahayn inuu cabasho ka dhan ah natiijadan keeno?
Garyaqaanka: Wuu u leeyahay, laakiin su’aashu waxa weeyi goorma ayuu caban karaa sharciyan, horta qaabka uu baarlamaanku u doorto madaxdiisu maaha vacuum (meel madhan), balse waxay raacaan Xeer-hoosaadkooda, markaa murrashaxa laga guulaystay haddii uu yahay xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle yahay iyo kuwa ka dambeeyaba yihiinba, wuxuu xaq u lahaa in ka hor inta aannu aqbalin natiijada uu farta taago, isagoo ku dhawaaqaya” Point of Order;” waa eray ay isku fahmaan mudanayaasha iyo Guddoomiyahoodu oo muujinaya in wax khaldan yihiin.
Guddoomiyaha fadhigu wuxuu ku khasban yahay kol haddii uu mudanuhu yidhaa point of order (hadalka soo dhexgalo) inuu siiyo hadalka, ka dibna wuxuu ku sheegayaa in aannu natiijadaa ku qanacsanayn, waxaannu dalbanayaa in loogu celiyo. Mar labaad haddii uu ku qanci waayo wuxuu ka dalbanayaa guddoomiyaha inuu keensado cid madaxbannaan oo hawlwadeennada tirinaya codka la tirisa. Waxa muuqata, cadna in murrashaxa laga guulaystay ee Talyanle uu si toos ah u aqbalay natiijada codka ay isaga iyo guddoomiyaha cusub kala heleen, kol haddii uu aqbalayna ma jirto waddo kale oo ka furan waddada keliya ee sharciyan u furnayd, taas ayay ahayd, tiina muu samayn, waannu aqbalay, sidaas ayeyna ku dhan tahay.
Jamhuuriya: Sida aad la socoto Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu caddeeyey inay Xildhibaan Talyanle iyo xubno la socday ka qabteen arjiga dacwad ka dhan ah tirinta coddayntii xilka Guddoomiyaha golaha, kuwaasoo ku doodaya in uu murrashaxoodu helay Guddoomiyenimada, arrintaas sharciyadeeda nooga warran? Maxkamaddu ma gudo gali kartaa dacwaddaas, maxayse noqon kartaa ififaalaha ka dhan kara?
Garyaqaanka: Walaal, ilaa inta aan hadda ka ogahay in ay dacwaddaas u geeyeen Guddoomiyaha Maxkamadda, habase ahaatee sharciyan aniga laba macno ayey noo leedahay; dacwaddaas arjideedii waa laga qabtay iyo waa la darsayaa. Waxaan kuu sheegayaa ugu horreyn in Maxkamadda Dastuuriga iyo Maxkamadda Sare-ba aanay awood dastuuriya u lahayn ka-garnaqa ama farogelinta go’aan gole, waayo fadhigii maalintii dhawayd golahu ku doortay guddoomiyaha cusub wuxuu ahaa GO’AAN GOLE OO ANSAXAY (RESOLUTION), Goluhuna sida dastuurku caddeeyey wuxuu awood u leeyahay inuu soo saaro go’aamo kana maaha kii ugu horeeyay go’aamo fara badan oo goluhu ansixiyey ayaa yaal kaydka marka laga reebo, mar kaliya wali may dhicin in go’aan gole Maxkamaddu farogaliso, markaasi oo ahayd 22/12/2013-ka, taas oo uu guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare soo saaray HAKIN go’aan, tirsigiisuna ahaa MS/GMS/G-7/281/2013, waxaanay jawaabtii golaha oo aan aniga oo La-taliyaha Sharciga ah u jawaabay qoraal sharci oo goluhu ku garnaqsanayo, una bixiyay IFTIIMIN SHARCI nuxurka gunaanadkiisu ahaa “Xilka shaqo ee xeer-dejintu (Golaha Wakiillada iyo Guurtida) wxuuu leeyahay xasaannadda gudashada waajibaadkiisa, gudashada xilkaas qaranna waa mid aanay farogalin karin Waaxda Garsoorka.
Jamhuuriya: Gabagabadii waxa muuqata in meel adag la kala taagan yahay oo xiitaa guddoomiye Baashe iyo mid ka mid ah xildhibaanadii u coddeeyay xildhibaan Talyanle ay gacan iskula tageen, lana xidhay xildhibaankii, markaa sidee ayaad is leedahay xalku wuu ku iman karaa, waa maxayse taladaadu?
Garyaqaanka: Horta xilkaygu sida uu dastuurku iyo xeer-hoosaadkuba xuseen waa xilka la-taliyaha sharciga’e wuxuu ku kooban yahay arrimaha sharciga oo kaliya oo aan golaha kala taliyo, shaqadaydana kuma jirto in aan wax ka idhaa arrimaha ama doodaha siyaasiga ah, xildhibaannaduna waa siyaasiyiin. Waxaan farayaa xildhibaannada oo siyaasiyiin ah, kana soo kala jeedo axsaab kala duwan, kuna wada nool meel kaliye haddii aan sharciga loo soo noqon, go’aamada, milgaha iyo maamuuska goluhu huwan yahayna la ixtiraamin waxa ka dhalan doonta cawaaqib xumo aan laga soo waaqsan karin. Markaa waxaan leeyahay labada dhinacba xil baa idinka saaran inaad ilaalisaan milgaha iyo maamuuska Golaha Wakiillada oo ummadda taariikh weyn ugu fadhiya iyo karaamada ummaddan muddada 25 sannadood ka dhursugaysan in mar uun ay hesho ictiraaf caalimi ah, kana mid noqoto dawladaha caalamka si ay dunida si fudud ugu safri karto, ulana ganacsan karto.
Xigasho: Jamhuuriya Newspaper.
bandhige@gmail.com