Laba iyo toban ayaa ku dhintay weeraro mataano ah oo ka dhacay Tehran

 

Weerarro mataano ah ayaa lagu qaaday baarlamaanka Eeraan iyo qabriga aasaasihii Eeraan ee Khomeini oo ku yaalla caasimadda Tehran.

Waxaa la xaqiijiyay in ilaa iyo 12 qof ay ku dhinteen labada weerar.

Weerarka baarlamaanka ka dhacay ayaa la sheegay in la soo gabagabeeyay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dad afduub loogu haystay guddaha baarlamaanka.

Qof is qarxiyay ayaa la sheegay in uu ku dhintay weerarka ka dhacay dhismaha uu ku yaalla qabriga.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamka ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo haddii la xaqiijiyo noqon doono weerarkii ugu horreeyay oo kooxdu ay ku qaaddo Eeraan.

Kooxda ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay ku sheegtay in ay soo duubeen dagaalamayaasheeda oo ku jiray guddaha baarlamaanka.

Wakaaladda wararka ee Eeraan ayaa sheegtay in mid ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday uu is qarxiyay mid kalena ay xoogagga ammaanka dileen.

Dhowr qof oo booqanayay qabuuraha oo ah goobo macbad ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.

bandhige@gmail.com