Laba qarax ayaa waxay ka dhaceen Nigeria

Saraakiisha dalka Nigeria ayaa sheegay in labo gabdhood ay geysteen laba qarax oo ka dhacay suuq ku yaala gobolka Borno ee dalkaasi, waxa ku dhintay ugu yaraan hal qof halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Qof goob jooge ah oo ku sugan magaalada Maiduguri, ayaa sheegay in gabdhaha oo ayagana markii dambe la dilay ay da’doodu ahayd toddobo ama siddeed sanno jir.

Booliska gobolka Borno ayaa sheegay in weerarku uu dhacay xilli suuqa Maiduguri uu mashquul ahaa dad badanna ay ku sugnaayeen.

Xubin ka tirsan maleeshiya maxali ah ayaa sheegay in gabdhaha ay ka soo degeen mootada bajaajka Soomaalidu u taqaan, uuna isku dayay in uu la hadlo mid ka mid ah, laakiin ay iska indha tirtay kadibna u dhaqaaqday dhanka koox iibineysa digaag, ka hor inta aysan qaraxa geysan.

Qaraxa labaad ayaa dhacay wax yar uun kadib markii dadka ay isku soo xoomeen, si ay u caawiyaan dadka dhaawacmay.

Ma jirta cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, laakiin kooxda Boko Xaraam ayaa dhowr jeer u adeegsaday haween iyo carruur in ay ka geystaan weerarro goobaha ay ku sugan yihiin dadka badan.

bandhige@gmail.com