Laba qof ayaa waxay ku dhaawacmeen rasaas ay boolisku kala dareerinayeen dhallinyaro rabshado samaynayey

 

Inta la ogyahay Laba qof oo dumar ah ayaa ku dhaawacmay rasaas la sheegay in ay ciidanka booliska Somaliland ku kala eryayeen dhalinyaro rabshado ka samaynayey xaafad ka mid ah magaaladda Hargeysa.

Ma Jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska Somaliland, balse Wararka ay shebekadda Somalilandrise.com ka heshay, ayaa sheegay in Labadan Dumarka ahi ay ku dhaawacmay rasaas ay ciidanka boolisku ku doonayeen in ay ku kala dareeriyaan dhallinyaro rabshado ka samaynayey xaafadda Xero Awr gaar ahaan Isgeyska Xero Awr ee degmada Ibraahin Koodbuur ee magaaladda Hargeysa.

Xabadda ay ciidanka Boolisku ku kala dareerinayeen dhalinyaradan rabshadda samaynayey, sida ay sheegeen dadka xaafaddaasi degen ayaa haleeshay labadan dumar ah oo la sheegay in ay ku sugnaayeen halkaasi oo ay ku dhaawacmeen oo loola cararay dhinaca cisbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dawaynayo

Dhaawaca labadan dumarka ah oo la geeyey cisbitaalka guud ee Hargeysa, ayaa waxa ay sheegeen dhakhaatiirta cisbitaalka guud ee Hargeysa in ay mid ka mid ah xaaladdeeda caafimaad culus tahay, isla markaana ay la tacaalayaan dhaawaca labadan dumarka ah.

Af-hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaale Sare Faysal Xiis oo ka hadlay dhacdan ayaa waxa uu yidhi:

“Xaafada Xero Aw Waxa ka dhacay Dagaal Safayn ah ka dibna boolisku nabad-galyo ahaan ayaay ugu gurmadeen  Booliskii markii ay is yidhadeen kala dhex gala dadkii safaynka isku laynaayay ayaa waxa lagala hor yimi dhagxaan oo qaar ka mida ciidanka waa la dhaawacay.”

Sido Kale Af-hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaale Sare Faysal Xiis Oo Hadlkiisa Sii Wata waxa uu xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen laba dumar ah waxaana uu yidhi:

“Haa waa run laba dumara ayaa xabadi ku dhacay waanu ka xunahay dhacdadaasi dhacday kiiskaasna waa la baadhayaa gacantaana lugu hayaa.”

Sido Kale Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa dhankiisa sheegay in ay ka xun yihiin dhawacaas sida la filaanka ah u gaadhay dumarkaasi waxaana uu yidhi:

“Sida uu ku sheegay af hayeenka ciidanka booliska somalilad Gaashaanle sare Faysal xiis Kiiskaa ka ciidan ahaa waanu baadhaynaa ciidankuna si kama ah ayaa xabadu uga dhacday iyagoo ku guda jira sidii ay u kala furdaamin lahayeen dagaalkaasi safaynka ee Ee Ka Dhacay Xaafadaasi Xero Awr.”

bandhige@gmail.com