Labo qof ayaa ku dhimatay 10 kalena way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay badhtamaha London oo ay boolisku ku sheegeen in uu ahaa fal argagixiso.
Gaadhi ayaa si ula kac ah loo jiidhsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay buundada Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka Ingiriiska oo gebi ahaantiisba hadda la xidhay. haweenay ayaa u dhimatay dhaawicii soo gaadhay.
Qof ka soo dagay gaadhigaaasi ayaa tooriyeeyey ku weeraray askari booliis ah oo taagnaa dibedda dhismaha baarlamaanka. Askeriga ayaa meesha ku geeriyooday. waxa markiiba ninkaasi toogtay booliis hubaysan.
Gawaadhida gurmadka degdegga ah ayaa gaadhay goobta uu shilku ka dhacay.
Raysal-wasaaraha Ingiriiska Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.
Ilo ayaa BBC-da u sheegay in aysan dhacdadan la xidhiidhin iyada. Kulankii baarlamaankanana ayaa la hakiyay.
Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda xarunta baarlamaanka Ingiriiska. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xiray.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen dad dhaawacmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.
Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xidho boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.
Booliska magaalada London ayaa sheegay in weerarka baarlamaanka London ay ula macaamalayaan in uu yahay mid argagixiso ilaa iyo inta ay ka helayaan war kaa ka duwan.