Laybeeriya: ciidamada oo la wareegaya ammaanka

Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Laybeeriya UNMIL ayaa isu diyaarinaya in ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan booliska iyo milateriga dalkaasi.

Hawlgalka ayaa billowday 2003, kaddib markii ay dhaceen dagaallo sokeeye oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof.

Ciidanka ammaanka ee Liberia ayaa helay tababar caalami ah oo ay ugu diyaargaroobeen howshan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in waxoogaa askar ah ay ku sii hayn doonto waddankaas ku yaalla galbeedka Afrika, si ay uga caawiyaan xagga tayaynta, ka hor inta aan go’aan laga gaadhin mustaqbalka hawlgalka bisha December.

bandhige@gmail.com