London: Waxa qarax lala beegsaday tareen 

 

Qarax ayaa lala beegsaday tareen ka mid ah kuwa London ee dhulka hoostiisa mara, waxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah rakaabka tareenkaasi ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay 08:20 xilliga London, waxaana booliska iyo howlwadeennada caafimaadka ay gaadheen goobta uu ka dhacay oo ah boosteejada Parsons Green ee Fulham.

Sawirro laga soo qaaday tareenka ayaa muujinaya in xajmiga qaraxa uu koobnaa, oo aanu geysan burbur muuqda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad qaba dhaawacyo kala duwan.

Laba iyo labaatan qof ayaa lagu dabiibay cisbitaallada London.

Booliska la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay in ay qaraxa ula tacaalayaan inuu yahay “fal argagixiso.”

Askar hubaysan ayaa la geeyay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qalabka qaraxa loo adeegsaday ayaa la sheegay in loo diyaariyay si looga hor tago qaraxa.

bandhige@gmail.com