Ma jiraan wax iska badalay habkii socdaalka, ee ay muwaadiniinta reer Somaliland ee dalka ku soo laabanayaa ku iman jireen

 

Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland waxa ay ku war galinaysaa in aanay jirin wax iska badalay habkii socdaal ee ay muwaadiniinta reer Somaliland Dalka ku iman jireen marka ay ku soo laabanayaan, khaastan Dadka sita sharciyada (Baasaboor)ย  Wadamada Kale, ma jiraan wax Fiise Dal ku gal oo ay soo dalbanayaan, ee sidii horeba ay u iman jireen ayey u imanayaan.

Wasraadu waxa ay uga digaysaa cid kasta oo siyaasadaynaysa danaha qaranka, ee umada majaro habaabinaysa in ay ka waantoobaan oo aanay baahin warar shacabka wiiqaya oo aanay hubin.

Sidoo kaleย  iyada oo gudanaysa xilka ay qaranka u hayso Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirku, waxa ay gacmo furann ku soo dhaweynaysaa Muwaadiniinta Reer Somaliland ee ku kala nool daafaha dunida Sharciga ay doonaan ha sitaan marka ay Dalkooda imanayaan, Wasaaradu waxa ay ugu diyaaris Muwaadiniinta adeeg hufan iyo raali galin aad u saraysa Madaarada Dalka.

Ugu Danbayntii dadka aan Somaliland u dhalan ee sita Sharciyada (Basaboor) Wadankooda, iyana waa sidii ay hore ugu iman jireenย  Wadanka oo Fiise ayey ka soo dalban doonaan Hayโ€™ada Socdaalka Somaliland.

bandhige@gmail.com