“Ma jirto diyaarad laga leeyahay Thailand oo xamuul ah oo maanta imanaysay Somaliland…” Hayadda Duulista .

Somaliland ayaa beenisay inay jirto diyaarad laga leeyahay Thailand oo Soomaaliya ay maanta ka celisay Hawda. Warkan ka soo baxay hay’adda duulista JSL, ayaa u dhigna sidan.

“Hayadda Duuulista iyo Madaarada JSL waxay bulshada la wadaagaysaa in Madaarka Caasimada ee Cigaal iyo Madaarada kale ee dalkuba ay maanta marti galiyeen duulimaadyadii joogtada ahaa.

Waxa kale oo Hayadda Duulista iyo Madaarada JSL ay dadweynaha ogaysiinaysaa inay socdaan shirar muhiim ah oo ku saabsan arimaha Hawada JSL, Goaanada shirarkaasna ay wakhtiga ku haboon bulshada la wadaagi doonto.

Ugu dambayn Ma jirto diyaarad laga leeyahay Thailand oo xamuul ah oo maanta imanaysay Somaliland ama soo kacday oo hawada laga celiyay.”

 

Allaa Mahad leh.