Maalinta Xilka Lagaa Qaado Hadaad Waalato Iimaan Kaaga Ayaa Markii Hore Daciif Ahaa”

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Horumarinta Beeraha Yurub Abiib Cabdi ayaa ka jawaabtay hadalo ka soo yeedhay siyaasiyiin xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Yurub Abiib Cabdi ayaa waxa ay sheegtay in Siyaasyiinta caytama marka xilka laga qaado aanay wax saamayn ah ku lahayn bulshada dhexdeeda.
Yurub Abiib oo arimahaasi ka hadlaysayna.Waxa ay tidhi “Waxa aad arkaysaa masuul xilka laga qaaday oo Dawladan shalay Kulmiye Wasiir ka noqday, waxa uu leeyahay anigu hadaan Wasiir waayay Gobalkaygu waa in uu rogmadaa. haday meeshu rogmato adna rajo dambe ma lihid xageed wax ka doonanaysaa. kuwaana waxa aan leeyahay shaydaanka iska naara waxba ma rogmanayaane”.
Yurub Abiib ayaa waxa ay tilmaantay in magacaabista xilku ay tahay amaano laguu dhiibay. Waxaanay tidhi “Waana qadar kuu qoran mar hore in aad ogaato ayaa fiican in xilka laguu dhiibayaa amaano yahay, maalina aad timid maalina lagaa qaadayo. laakiin Maalinta lagaa qaado xilka hadaad waalato iimaankaaga ayaa markii hore daciif ahaa. adiga oo saamayn lahayn haday cay kaaga dhagto shalay waxba maad ahayn, marka xilka lagaa qaado hadaad waalato qof jira ayaanad ahayn, wax gubanayana ma jiraan. qaranku wuu dhisnaanayaa ragbaa maalin walba u dhimanaya oo faranta u jooga oo habeen kaliya aan ka seexanan ka faranta taagan iyo ka halkan ku raaxaysanaya dalka waad u siman tihiin”.

 

Qore Khadar M. Dhako

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com