Guddoomiyaha shirkadda #Telesom Md. #Cabdikariin Maxamed Iid ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee CIGAAL ee magaaladda Hargeysa,
guddoomiyaha ayaa ka soo laabtay munaasibad lagu abaal-mariyey inuu noqday.
Hogaamiyaha ugu wanaagsan Isgaadhsiinta Afrika ee Abaal-marinta #AFRICACOM 2018 .
Guddoomiyeyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hogaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan.