Macalimiin Maraykan ah oo lagu Tooriyeeyay Beer ku Taala Shiinaha

Afar macalin oo wax ka dhiga jaamacadaha dalka Maraykanka ayaa cisbitaal loola cararay kadib markii uu nin aan la garaneyn uu toori ku weeraray goob fagaare ah oo ku taal dalka Shiinaha.

Macallimiinta oo wax ka dhiga Kulliyada Iowa Cornell ayaa ku dhaawacmay “dhacdo halis ah” intii ay ku jireen booqasho maalinle ah oo ay ku tageen beer lagu nasto oo ku taal waqooyiga gobolka Jilin, bayaan ka soo baxay kulliyada ayaa lagu yidhi.

Wakiilka Iowa Adam Zabner ayaa sheegay in walaalkiis, David, uu ahaa mid ka mid ah afartii macalin ee ku dhaawacmay shilka, kaas oo uu ku tilmaamay mid mindi lagu weeraray.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in dadka dhaawacmay midkoodna aanu ku jirin xaalad halis ah

Mr Zabner ayaa sheegay in kooxdan ayaa booqanayey macbad ku yaalla halkaas isniintii markaas oo uu weerar ku qaaday nin mindi wata.

Waxa uu sheegay in walaalkii ay mindidu kaga dhacday gacanta xilli uu ku sugnaa Beerta Beishan ee magaalada Jilin, isla markaana uu hadda ku soo bogsanayo cisbitaalka.

“Weli lama sii dayn saaka laakiin wuu fiican yahay,” ayuu u sheegay CBS News.

Kulliyadda Cornell ayaa sheegtay in afarta macallin ay hawl wax barasho halkaa u tageen “taas oo qayb ka ah iskaashiga ay wada leeyihiin jaamacad ku taal Shiinaha”. Kooxda waxa la socday xubin ka tirsan jaamacadda Beihua wakhtiga ay booqanayeen beerta isniinta.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in macallimiinta dhaawacmay loola cararay isbitaalka halkaas oo lagu daweynayo.

Afhayeen u hadlay wasaarada kama jawaabin su’aalaha ku saabsan in gacan ku dhiiglaha uu xidhan yahay iyo in kale, isaga oo intaa ku daray in loo baahan yahay baadhitaan dheeri ah.

“Tani waxay ahayd dhacdo go’doon ah, baadhitaankuna wuu socdaa, Shiinaha ayaa si weyn loogu tixgaliyaa mid ka mid ah dalalka ugu ammaanka badan adduunka, Shiinaha wuxuu sii wadi doonaa inuu qaado tallaabooyinka ku habboon si loo hubiyo in dadka ajnabiga ah ay ammaan ku joogaan dalka.

“Waxaan rumeysannahay in tani aanay dhaawici doonin xidhiidhka dalalka kale,” ayuu yidhi.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa mar sii horreysay BBC-da u sheegay in ay ka warhayaan wararka sheegaya in weerar toorey ah oo ka dhacay Jilin, balse aanay bixin karin xog dheeri ah.

Sawirada wareegaya ayaa u muuqda inay muujinayaan ugu yaraan saddex qof oo dhiig baxaya oo dhulka daadsan.

Si kastaba ha ahaatee dhacdada ayaa u muuqata in si deg deg ah looga faafreebiyay internetka Shiinaha.

Waxaa sidoo kale jira warar kooban oo ku saabsan dhacdadan oo laga qoray warbaahinta dowladda Shiinaha.

Mr Zabner waxa uu sheegay in walaalkii oo ah arday aqoonta sare ka diyaariya jaamacadda Tufts, uu hore u booqday Shiinaha, isla markaana uu safarkiisii ​​labaad ee dalka ku joogay isaga oo la jooga Cornell College.

Iyada oo uu aanu wanaagsayn xidhiidh diblomaasiyadeed ee Beijing iyo Washington beryihii u danbeeyey waxa ka abuuraayey dad is-dhaafsi. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa daah-furay qorshe 50,000 oo dhallinyaro Maraykan ah uu ku casuumayo Shiinaha shanta sano ee soo socota, halka dublamaasiyiinta Shiinaha ay sheegeen in la-talin dhinaca socdaalka ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ay ka niyad jabisay dadka Maraykanka ah inay tagaan Shiinaha.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com