Macron wuxu noqday Madaxweynaha Faransiiska

 

Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimada Faransiiska, isagoo helay ku dhawaad 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay ku dhawaad 34.5%.

Macron ayaa ah 39 jir aan horay loogu dooran wax xil ah, waxa uuna noqonayaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara Faransiiska.

Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee tan iyo sannadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada axsaab ee ugu waaweyn Faransiiska.

Waxa uu sheegay in bog cusub uu u furmay taariikhda Faransiiska, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan dhagaystay carada, walwalka iyo shakiga aad muujiseen qaar badan oo idinka mid ah.”

Sidoo kale waxa uu wacad ku maray in shanta sanno ee soo socota uu ka shaqeyn doono mideynta shacabka dalkiisa.

Kumannaan taageerayaasha Macron ah ayaa isugu soo baxay badhtamaha caasimadda Paris, halkaas oo uu kula hadlay madaxweynaha cusub.

Madax badan oo caalamka ah, oo uu ka mid yahay Trump-ka Maraykanka ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Faransiiska.

Ammaanka caasimadda Paris iyo qeybaha kale ee dalka ayaa si weyn loo adkeeyey.

bandhige@gmail.com