Madaxda KULMIYE iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo Kulan Shaqo la Qaatay Garabka Dhallinyarada Xisbiga ee Heer Qaran

Madaxda sare ee xisbal-xaakimka Somaliland iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa talada haysa, ayaa kulan la xidhiidha hawlaha shaqo ee xisbiga la qaatay hoggaanka Garabka Dhallinyarada heer qaran.

Kulan ballaadhan oo ka qabsoomay mid ka mid ah hoolasha xarumaha xisbiga KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa galabta, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Md. Maxamed Kaahin Axmed, iyo saraakiisha sare ee xisbiga, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, xildhibaanno, wasiiru-dawlayaal, Agaasimayaal, masuuliyiinta qaar ka mid ah madaxda xisbiga ee gobollada dalka, hoggaanka Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee KULMIYE iyo xubno kale oo isugu jira aqoonyahan iyo dhallinyaro firfircoon oo ka tirsan xisbiga, waxaanna si wadajir ah loogu lafaguray hawlaha iyo qorshayaasha xisbigu uu ugu diyaargaroobayo doorashooyinka soo socda, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan inay dhacdo bisha November ee sannadkan 2017.

Masuuliyiinta kala duwan iyo dhallinyarada KULMIYE waxay halkaasi la isku waydaarsaday fikrado iyo doodo ay ka yeesheen qorshayaal ay madasha ku soo bandhigeen Garabka Dhallinyaradu, kuwaas oo si furan loo falanqeeyey muddo saacado ah oo uu socday kulanku.

Shirkaasi waxa uu ku dhammaaday natiijo wanaagsan oo lagu midaysan yahay, waxaanna lagu kala tagay dardaaranno iyo ballamo la isku faray sii xoojinta dadaallada iyo shaqada lagu diyaargaroobayo doorashada soo socota si xisbigu uga midho-dhaliyo guul uu mar labaad ku qabto talada waddanka ee ilaa hadda muddada uu xilka hayey lagu majeertay waxqabadka iyo horumarka baaxadda leh ee dhinac walba leh, iyadoo KULMIYE doonayo inuu sii ballaadhiyo horumarkaasi haddii kale shacabku u doorto hoggaaminta dalka.