Shirkadaha waaweyn ee Ingiriiska ayaa waxay dawladda ugu baaqay in ay ka joogsato go’aanka ka bixista Midowga Yurub oo ay taasi sababi doonto in dhaqaalaha Ingiriisku hoos u dhac ka yimaado.
War qoraal ah oo ku daabaceen qaar ka mid ah maamulayaasha shirkadahaasi wargayska Times ayey ku sheegeen in suuqa Yurub yahay mid ay u baahan yihiin shirkadaha Ingiriisku.
Waxa kale oo ay xuseen in haddii Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub taasi sababi doonta in ay alaabaha shirkadaha Ingiriisku soo saaro ay xayiraad saari doonaan waddamada Midowga Yurub.
Raysal-wasaaraha Ingiriiska ayaa waxa uu Isniintii baarlamaanka hortooda ka sheegay sababta u taageerayo in loo codeeyo in ay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub iyo in Kale.
Dadka u ololeeya in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub ayaa dawladda ku eedeeyey in cadaadis badan saartay Madaxda shirkadaha waaweyn in ay soo saaraan war-saxaafadeedkan.
Midowga Yurub ayaa waxa uu ogolaaday Ingiriiska in uu ka sii mid ahaado Midowga Yurub, balse waxa wali ka socda Ingiriiska ololaha ka bixida Midowga Yurub iyo ka mid ahaanshaha.