Madaxwayneyaasha Somaliland iyo Somaliya oo la filayaa in todobaadkan ay ku kulmaan dalka Djibouti
Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kulanka labada madaxwayne ayaa waxaa qayb ka noqon doona Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Djibouti, Ismaciil Cumar Geelle, oo shirka qaban qaabiyay.
Wufuudda labada dhinac oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi, ayaa Toos u kulmi doona xilliga dahadalka, waxaana goob joog ka noqonaya dawladda Maraykanka, Midawga Afrika, Midawga Yurub, iyo xubno beesha Caalamka ee kale ka socda.
Xubnaha la filayo in ay Soomaaliya iyo Somaliland kumatalaan kulanka Jabuuti
Dhinaca Somaliland:
1- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
2- Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan
3- Wasiirrka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon
4- Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin
5- Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub.
Dhinaca Soomaaliya:
1- Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo
2- Raysal-Wasaare Xasan Cali Khayre
3- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh
4- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.
Bandhige@gmail.com