Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Siilaanyo Waxa Uu Tacsi U Diray Labada marxuum Alle ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib iyo Dr. Adan Yuusuf Abokor

Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Siilaanyo Waxa Uu Tacsi U Diray Labada marxuum Alle ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib iyo Dr. Adan Yuusuf Abokor

Madaxweynahii hore JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), qoyskiisa iyo dhamaan caruurtiisu waxay tacsi u dirayaan waxgaradka, waayeelka, qoysaskii, eheladii, qaraabadii, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland geeerida ku timi labada marxuum Alle ha u naxariistee Cumar Carte Qaalib iyo  Dr Adan Yuusuf Abokor oo ku kala geeriyooday maanta (shalay) 18 Nov, 2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa & Dalka Turkiga.

Md Siilaanyo ayaa ku sifeeyey marxuum Cumar Carte siyaasi taariikh ku leh dadka af Soomaaliga ku hadla, xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadihii hore Soomaaliya, sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay nabadeyntii iyo dib-u-dhiskii Somaliland. Sidoo kale Marxuum Dr Adan ayuu ku tilmaamay aqoonyahan noloshiisii hore ugu huray wax-u-qabadka bulshadiisa, uguna mutay xabsi darteed laga soo bilaabo xilligii xukuumadihii hore Soomaaliya, ka dibna u guntaday dib-u-dhiska iyo nabadeyntiisa dalka iyo dadka Somaliland.

Waxuu madaxweynahii hore Md Siilaanyo, labada marxuum Ilaahay SW  uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, caruurtoodii, qoysaskoodii, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin. Aamiin. Aamiin. Aamiin.