Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa Magacaabay 11 Wasiir, kadib markii u dhawaan kala diray golihiisii Wasiirada, Wasiirada la Magacaabay ayaa mar kale waxa ka soo dhex muuqaday Wasiirkii hore ee Difaaca Aadan Bare Ducaale oo Markii Labaad isla Wasaarada Difaaca loo Magaacabay iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki .
Liiska Wasiirada Cusub iyo Wasaarada loo kala Magacaabay ayaa sidan u dhigan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha: Kithure Kindiki
Wasiirka Difaaca : Aadan Barre Ducaale
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Jidadka : Davis Chirchir
Wasiirka Isbedelka Cimilada iyo Gaadiidka : Soipan Tuya
Wasiirka Biyaha iyo Waraabka : Eric Muga
Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha: Andrew Muhia Karanja
Wasiirka Hawlaha Guud : Alice Wahome
Wasiirka Isgaadhsiinta : Dr Margaret Ndungu
Wasiirka Caafimaadka : Debra Mulongo Barasa
Wasiirka Waxbarashada : Julius Migosi
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com