Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta oo jimco ah booqan doona dalka Mali.
Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo uu Macron ku yimaado qaaradda Afrika tan iyo markii xilkaasi loo doortay kal hore bishan.
Safarka madaxweyne Macron ee waddanka Mali ayaa u muuqda mid ku wajahan dadka Faransiiska.
Madaxweynaha ayaa booqanaya ciidamada Faransiiska ee la dagaalamaya kooxaha jihaadiga ee waqooyiga dalkaasi Mali tan iyo 2013-kii.
Balse Macroon ayaa sidoo kale ka hadlay in bog cusub loo furo xiddhiidhka Faransiiska iyo waddamada Afrika, lagana tago dhaqanka loo arkayay gumeysiga casriyaysan, kaasi oo dalal badan oo Afrikaan ah ay ka cawdeen.
Hadalkan ah mid ay fududahay in afka laga sheego balse ay adag tahay in la dhaqangeliyo.
Madaxweynaha ayaa waxa uu ku tagi doona safar kale waddanka Mali, kaasi oo aan ku ekaan doonin oo keliya qiimeynta ciidamada Faransiiska ee ku sugan Mali, iyo wadahadallada ku saabsan amniga gobolka, si loo badalo calaaqaadka Faransiisku la leeyahay waddamada uu horey u gemeysan jiray ee sida Mali.