Madaxweynaha Golaha Yurub ayaa sheegay in nolosha dadka ay noqon doonto muhiimadda koowaad marka ay timaado go’aanada wada-xaajoodyada Ingiriisku ay uga baxayaan Midowga Yurub.
Donald Tusk ayaa maanta sheegay in muwaadiniin kasoo jeeda dhammaan dalalka Midowga Yurub ay ku nool yihiin, ka shaqeeyaan, waxna ka bartaan Ingiriiska. Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waxaan u baahannahay inaan go’aan ka gaarno waxa ay noqon doonto xaaladda dadkaas marka ay Britain ka baxdo Midowga Yurub.”
Tusk waxa uu sheegay in Ingiriisku sidoo kale looga baahan yahay in ay qadariso dhammaan waajibaadyada maaliyadeed ee ay qaadatay markii ay xubinta ka ahayd Midowga Yurub.
Tusk ayaa ku gacan seedhay codsiga Raysal-wasaaraha IngiriiskaTheresa May ee ku saabsan in wada-xajaoodyo is dhinac socda oo ku saabsan ka bixitaanka Midowga Yurub iyo heshiisyada ganacsi ee mustaqbalka ay la furto Midowga Yurub. Markale isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi:
“Marka aan horuamr ka gaarno ka bixitanka, ayaan ka wada-hadali karnaa xiriirada mustaqbalka.”