Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Maamul-goboleedka Puntland oo Qaatay Mowqif Sii Hurinaya Colaadda Laascaanood

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland iyo Baarlamaankiisa ayaa ku dhowaaqay talaabo sii hurinaysa dagaalka magaalada Laascaanood, isla markaana ka horyimi talaabo urur-goboleedka IGAD iyo golaha Amaanku ku soo jeediyeen xabad-joojin iyo wadahadal lagu xaliyo khilaafka Laascaanood.

Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Md. Siciid Cabdillahi Deni ayaa ku hanjabay inay dagaal ku qaadi doonaan Somaliland, waxaanu yidhi, โ€œDowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii Somalilad ka dhega adeyto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo in ta nabada jecel oo ah in ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Laascaanoodโ€ ayuu yidhi Siciid Deni.

Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Md. Cabdirashid Yusuf Jibril ayaa sidoo kale sheegay inay garab istaagi doonaan shacabka Laascaanood, isla markaana dhaliilay goโ€™aan urur-goboleedka IGAD ku baaqya in lagu xalliyo khilaafka Laascaanood.

โ€œWaxaan ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka puntalnd inaan difaacno sharafta bulshada gobolka Soo loo macnaheedu yahay inaan difaacayno midnimada ummada soomaaliyeed.

Hadalka madaxweynaha iyo Baarlamaanka maamul-goboleedka Puntland ayaa sii hurinaya colaada ka taagan gobolka Soo loo hore xukuumadu ugu eedeysay inay ka dambeeyaan, isla markaana khilaafsan goโ€™aamadii lagu soo jeediyey xalka khilaafka laascaanood.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com