Madaxweynaha Jaad oo loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Shirweynaha 26aad ee Midowga Afrika oo maanta  ka Adis abab ayaa waxay Guddoomiya u doortay Madaxweynaha Jaad Idris Deb oo hayn doona sannadka 2016-ka.

Guddoomiyhii hore ee haatan ka degayey jagada  Madaxweynaha Simbaawi Robert Mugababe ayaa waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid yihiin sinaan la’aanta Gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee qaarada Afriki tabanayso oo ah in ay xubin ka noqoto, balse loo diiday.

Waxa kale oo uu sheegay in Qaramada Midoobay ka bixi lahayd haddii ay Afrika tashato oo ay isku filnaato.

Dhinaca kale Mugabe ayaa waxa uu ku celceliyey in loo baahan yahay in laga shaqeeeyo cadaaladda iyo sinaanta, waxa uuna ka hadlay faragelin reer galbeedka ku hayaan wadamadda Afrika.

bandhige@gmail.com