Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu ambo-baxay dalka isu-tagga Imaaaraadka Carabta oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen, una soo diray diyaar khaasa.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Ganacsiga Wershedaha iyo Dalxiiska, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, Mudane Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Maxamuud Xasan Sacad oo isagu kaga sii horeeya weftiga imaaraadka, ayaa dalka Imaaraadka ugu baxay marti-qaad rasmi ah oo ay dawladda isu-tagga Imaaraadka Carabta ka heleen, waxana uu safarkoodan oo ah mid shaqo uu qaadan doonaa muddo maalmo ah.

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada uu salka ku hayo safarka ay madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka imaaraadka carabta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“ Waxa uu safarka madaxweynuhu salka ku hayaa xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya waddamada Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo wadaaga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi, islamarkaana ay ka dhexeeyaan hawlo horumarineed oo aad u waaweyni, waxaana uu dardargelin doonaa xidhiidhka labada dal.”

Safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu hoggaanka dalka qabtay.

Hoos ka daawo muuqaalka.