Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Aas Wadareed Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Cumar Carte Qaalib Iyo Marxuum Suldaan Indha-case Oo Lagu Aasay Xabaalaha Baqiic

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay Aaska  wadareed qaran oo loo sameeyey Marxuum Cumar Carte Qaalib iyo Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-case) oo lagu Aasay Xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi  oo qoysaskii, qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Saddex Marxuum oo kala ah  Marxuum Cumar Carte Qaalib iyo Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle (Suldaan Indha-case) iyo Marxuum Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo isagu ku dhintay dalka dibediisa balse aan weli dalka la keenin ayaa mid walba ka sheekeeyey Taariikhdii iyo halgankii ay ku lahaayeen Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan masuuliyiin tiro badan ayaa aaska ka raacay guriga Marxuumka waxaanu warbaahintii ku sugnayd goobta xabaasha kula hadlay, isagoo yidhi “Waxaynu joognaa maanta Geerida iyo Aaska laba Marxuum oo dalkan iyo dadkanba wax badan usoo qabtay Alle haw naxariisto ka hore waa Cumar Carte Qaalib qof walba oo Af-soomaali ku hadlaa wuu garanayaa Dawladdo badan iyo aqoonyahan badan oo Caalamka kamida, dad badan oo uu wax baray ayaa dalkan wax badan taray oo  magac ku yeeshay , February 1960kii markii doorashada la helay ee la geli doono shirkii isku darka wuxuu ahaa Aqoonyahankii ku taliyey waar dib halloo dhigo raacsanaa ee labada Xisbi u kala dab qaaday, markii uu shaqeeyey ee uu  Magaalada Hargeysa ka ahaa Dhiisayga (Badhasaab) wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee  Dibjir guryo loo sameeyo ee sekeda la yidhaahdo Dibjir Band sameeyey, Markii uu Moosko loo magacaabay ee uu Xoghayaha ka ahaa Safaaraddii uu Qeybe ka ahaa Safiirka wuxuu ahaa  dadkii diyaariyey Daraafkii uu Cabdirashiid doonayey in ciidamada ay nasiiyaan, kolkii danbena uu safiirkii  Addis ababa inta badan ku raagay”.

“Cumar Carte Taariikh la yaab leh buu sameeyey oo siyaasada ah, wuxuu Taariikhda ku gelayaa Cumar Carte markii Siyaad Barre ka leexday majarihii Dawladd ee Soomaali wax u tarayey  wuxuu hormuud ka ahaa isaga iyo Ismaaciil Cali Abokor raggii yidhi waar joog waad qaldan tahay ee dalka tan ka daa, Ismaaciil Cali Abokorna wuxuu ahaa ninkii gudaha u hanuuniyey ee todobada Sannadood u hayey wasaaradda warfaafinta iyo Iclaanka ee dhammaan dadka maskaxdooda Kacaanka u hanuuniyey iyagoo markaa iyagu niyad Saafiya la wada, habeen buu ciidan koofiyad cas ah ku fayliyey labadoodiiba todoba sanno oo Labaatan jirow ah buu geliyey labadoodiiba, markii uu Hargeysa uu garaacay ee gurigii Cumar Carte iyo ka ku xiga ee uu lahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ka ku xiga ahaa Xasan Bakayr Saddexdaba uu dhulka la simay ayuu labadoodaba dil ku xukumay, iyagoo labadooda oo keliyi Silsilada ku xidhan, todoba wasiir baa lala xidhay shantii kale lama keenin Maxkamada labadooda iyo aqoonyahan 17 ah oo ay isku qolo yihiin baa la keenay ina Dusaa kamida oo nool  waxaa kamida Eng Saleebaan Nuux”.

“Markii Hargeysa la dumiyey ee dagaalkii adkaaday ee Gaal iyo Islaama arkay Hargeysa waxa ku dhacaya ayaa laga sii daayey, dadbaa yidhaahda wuu saamaxay muu saamixin ee taagg baa loo sheegtay dedaal iyo dhiig baa lagu sii daayey isaga iyo ragga kaleba, markii la sii daayey Cumar Carte 100-kii nin ee manafeestada ahaa baa u ergo tegay waxaa la yidhi maanta Soomaliyi kaama maarantee noqo Ra’isal Wasaare arrin qadhaadh bay ahayd nin qoyskiisii la laayey oo gurigiisii dhulka lala simay oo dadkiisii qaxoonti loo diray, inta maanta halkaa iyo Xamar ka wada hadlaysa ayaa boqol ergay ugu tageen oo Cumarow maanta taariikhdaadii nagu gunto lagu yidhi, Ra’isal Wasaarihii buu noqday waa la dhegaysan waayey, maxay dawladdaasi u duntay oo Cumar loo dhegaysan waayey?”