Madaxweynaha Jsl Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farxadda kala qaybgalay 150 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gabiley.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farxadda kala qaybgalay 150 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gabiley.

Munaasibadda qalin-jebinta 150-ka Arday oo ah dufcaddii 7-aad ee ka baxda jaamacadda Tima-cadde, ayaa lagu qabtay hoolka jaamacadda Tima-cadde ee xarunta magaalada Gabiley, waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno,  hormuudka jaamacadda Tima-cadde, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, waalidiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu fooladaynayo ardayda qalin-jebisay, laguna dhiirrigelinayo inay tacliintooda sii wataan.

Guddoomiyaha jaamacadda Tima-cadde Prof. Cismaan Yuusuf Magan oo madasha daah-furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, dedaalka iyo dhabar-adaygga ay ardaydaasi sameeyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen kaalintii ardaynimo muddadii ay jaamacadda ku jireen, isaga oo ka codsaday in cilmiga ay barteen ay dadkooda, dalkooda iyo naftoodaba uga faa’iideeyaan.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah boodhka sare ee jaamaadda Tima-cadde oo ardayda u jeediyey hadal dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira, ayaa maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Tima-cadde dedaalka ay ardaydaas geliyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen himiladii reer Gabiley ee ahayd inay Jaamacad aqoonyahanno soo saartay yeeshaan.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna soo dhaweeyey ardayda cusub ee jaamacadda Tima-cadde ka qalin-jebisay, waxana uu ku adkeeyey inay aqoontooda ku muujiyaan Gabiley iyo guud ahaanba deegaannada kale ee Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Ardayda u jeediyey hadallo dhinacyo badan taabanaya, ayaa ku bogaadiyey adkaysiga iyo naf-hurnimada ay sameeyeen muddadii ay geeddiga waxbarashada kusoo jireen, isaga oo xasuusiyey waajibka ka saaran in cilmiga ay barteen ay uga faa’iideeyaan bulshadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda qalinjebisay xasuusiyey abaalka laga sugayo iyo nuxurka ka dambeeya fooladaynta heer qaran gaadhsiisan ee lagu sharfay, waxana uu yidhi, “Arday kasta oo qalinjebinaya oo koofiyad qaatayow oo qaranka iyo qoyskuba u dabbaal-degayow waa deyn dabbaal-deggaasi iyo sharaftaas, tii macallimiintu kusoo gelisay iyo ta laguugu riyaaqayaaba, hadyadna ma ahee hawl baa lagaa rabaa inaad qabato.”

Madaxweynuhu waxa uu guul ku tilmaamay siyaasadda xukuumaddu hormuudka ka tahay ee salka ku haysa in jaamacadaha iyo dugsiyada laga furo oo laga hirgeliyo deegaanka kasta oo Somaliland ah, si uu Arday weliba deegaankiisa uga helo fursad uu ku heli karo heer kasta oo waxbarasho, “Waxan wasaaradda Tacliint,gobollada, mutacallimiinta, qurbejoogga iyo qarankaba  ku raacsanahay inay qaateen siyaasadda ah inay tacliintu dadka ugu tagto guryahooda iyo deegaamadooda, siyaasaddaasina waa mid caafimaad qabta oo lagu horumaray, halkii ardayga iyo dadkuba ka doonanayeen tacliinta oo meel fog joogta oo laga yaabo dadka badankiisu inaanay gaadheenba, waana siyaasad dalku ku horumaray, Arday badanina wax ku barteen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah Ardayda qalin-jebisay,  gaar ahaan kuwii ugu derejada sarreeyey, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin in madaxweynuhu kala qaybgalay maalmaha farxaddooda.