Madaxweynaha JSL oo Baarlamaanka u jeediyey Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ayaa barlamaanka u jeediyey khudbad sannadeedka dastuuriga ah .
Madaxweynaha oo khudbadiisa kaga hadlay arrimaha gudaha , arrimaha debadda , dhaqaalaha iyo waxyabaaha u hirgalay sannadkii dhammaaday ayaa u dhignayd sidan
“Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa sharaf iyo xurmo ii ah inaan maanta hor imaado Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan ka jeediyo Khudbad Sannadeedka Dastuuriga ah ee 2021.
Sannadkii dhammaaday ee 2020-ku waxa uu ahaa sannad la kowsaday xanuuno aafeeyey adduunka, isla markaana beddelay qaab nololeedkii bulshooyinka Caalamka. Waxa uu Xanuunka Covid-19 dilay in ka badan 2.5 Milyan.Waxa uu ku dhacay malaayiin ku nool daafaha adduunka. Hase yeeshee, waxa uu ahaa sannad harraati qabow oo ku dhammaaday guulo waaweyn oo ay aadamuhu ka gaadheen dhinaca Sayniska iyo tallaal u helidda xanuunkan.
Somaliland waxa uu u ahaa sannad nabad-gelyo, sannad aynu gaadhay guulo siyaasiyaasadeed iyo diblomaasiyadeed, oo aynu qaddiyadeena u helnay fagaarayaal caalami ah oo aynu ku soo bandhigno.
Sannadkii tagay, Mandaqadda aynu ku nool nahay ee Geeska Afrika iyo guud ahaan adduunkaba, waxa ka dhacay isbeddel dhaqan-dhaqaale, millitari iyo is-xulafaysi siyaasadeed, oo dhalan-rogay wajigii siyaasadeed iyo Ciidan ee Caalamka ka jiray. Waxa ay colaado iyo dagaalo lagu riiqday ka dhaceen meelo badan oo adduunka ah. Waxa xusid mudan in dagaaladaasi soo bandhigeen in awoodda Tiknoolajiyadda casriga ihi ay wax ka beddeshay tabihii iyo xeeladihii dagaalka.
Waxa uu ahaa sannad ay ka dhacday Maraykanka doorasho aad u xannaf badan, taas oo ahayd tijaabadii iyo mixnaddii ugu weynayd ee soo marta Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Reer Galbeedku hor kacayaan.
Somaliland waxa uu u ahaa sannad ay gaadhay daganaansho siyaasadeed oo buuxa. Xukuumadda,Axsaabta Qaranka, Komishanka, Baarlamaanka iyo Shacabka Somaliland-na ay gacmaha isku qabsadeen sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Isku-Sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.
1. Dhaqaalaha
Marka la eegayo kala horrayntadhaqaalaha dalalka adduunka, Somaliland waxa lagu tiriyaa wadammada aanu dhaqaalahoodubuurnayn. Iyadoo ay taasi jirto,haddanadhaqaalaheenu sannadba tallaabuu hore u qaadayey. Korodhkaasina wuxuu ku yimaadaadadaalkii xukuumadihii kala danbeeyey ay u galeen kobcinta dhaqaalaha dalka. Baayac-mushtarkeena oo maalgashi sameeyey. Xukuumaddan aan gadh-wadeenka ka ahay, waxa ay ugu jirtaa dadaal adag sidii dhaqaalaha dalka loo horumarin lahaa.
Dhaqaalaha dalkeena waxa udub-dhexaad u ah Afar Tiir oo kala ah:
• Dakhliga Hayadaha maaliyadeed ee Dawladdau soo xerooda;
• Baayac-mushtarka oo dhaqaalaha intiisa badan haya; maalgashiga iyo hadba koboca dhaqaale ee ay sameeyaan;
• Taageerada dad-ban iyo maalgashiga ay Dalka ku soo kordhiyaan Qurbe-jooga Somaliland;
• Maal-geshiga Shisheeye iyoDeeqaha dibaddalaga helo.
Dakhliga iyo Miisaaniyadda Dawladda ee ay Golaha Wakiilladu ansixiyaan inteeda badan (51.67%) waxa lagu bixiyaaAmniga Gudaha, Difaaca Dalka iyo Mushaharka Shaqaalaha Dawladda. Inta soo hadhay Miisaaniyadda waxa lagu fuliyaa adeegyadda aas-aasiga ah iyo hawl-socod-siinta Dawladda (Ictiraaf-raadin, Shaqo-abuur, Mashaariic Horumarineed, Dhisid Kaabayaal Dhaqaale, Waxbarasho, Caafimaadka iyoHelitaanka Biyo la cabi karo IWM).
Deeqaha dibadeed eela innagu caawiyo waxa ay u badan yihiinGar-gaarka Deg-degga ahiyo mashaariic horumarineed oo tijaabo ah. Marxaladda siyaasadeed ee dalkeenu ku jiro, ee Xukuumadaha Xamar lugta jiidayaan, ayaa carqalad ku ah in Deeqaha Dibedda laga maal-galiyo mashaariic waaweyn oo raandhiis leh.
Walaalayaal,
Dastuurkeenu waxa uu qeexay nidaamka iyo haykalka maamul ee dhaqaalaha dalkeenu yeelanayo. Qodobka 11aad ee Dastuurku waxa uu si cad u qeexayaa in Dawladdu dejinayso Siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed,hantida wadareed, hantida Qaranka iyo maalgashiga shisheeyaha.
Waxa kale oo Dastuurku waajibiyey in Nidaamka Dhaqaalaha ee Dalku aanu horseedin in Barwaaqada iyo ladnaantu aanay ku koobnaan ama ku ururin koox ama dad tiro yar, si aanay u dhallan dabaqado dhaqaale oo u qaybiya dadka kuwo hodan ah iyo kuwo aan waxba haysan.
Sidoo kale, Qodobka 12aad ee Dastuurku waxa uu qeexayaa in dhulku yahay Hanti guud oo ka dhaxaysa ummadda, masuuliyaddiisana ay leedahay Dawladdu.
Haddaba, si aynu uga baxno dhibaatooyinka dhaqaale ee ay ka mid tahay shaqo la’aanta, loona horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha; Xukuumaddu waxay fulinaysaa shuruucda dalka si loo gaadho hiraalka iyo hiigsiga ay tilmaamayaan Qodobbada Dastuurka ee kor ku xusan.
Tan iyo intii aan dib ula soo noqonay xorriyadeena, nidaamka cashuuraha ee dalkeenu waxa uu ku tiirsanaa Kastamada iyo badeecahaha lagu cashuuro. Waa nidaam cashuureed oo duug ah, isku halayntiisuna ay aad u hoosayso. Haddana sidaas oo ay tahay 78% Miisaaniyadda dalkeenu waxa ay ku tiirsan tahay Dakhliga Cashuuraha Kastamada, halka Dakhliga Cashuuraha Barriga ee Miisaaniyaddu tahay 22% kaliya.Si aynu Qaran ahaan u kordhinno isku-filnaanshaha, Xukuumaddu waxa ay ku hawlan tahay in laga guuroNidaamkii hore.
Waxaynu nahay bulsho aan dakhli badan lahayn, tashiilkuna ku yar yahay.
Walaalayaal,
Sannadkii inna dhaafay, waxa dalkeena la soo gudboonaaday carqalado waaweyn oo saameyn taban ku yeeshay dhaqaalaha dalkeena oo ay ka kow ahaayeen:
– Xanuunka COVID-19 oo galaaftay nolosha Malaayin qof Caalamka oo dhan ah;
– Joojinta Dhoofkii Xoolaha;
– Iyo Ayaxii duullaanka ahaa ee ku habsaday dalaggii la beertay,
Haddaba, iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaas aan kor ku soo sheegay, ayey haddana Xukuumaddu xoogga saartay kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka:
 Miisaaniyadda Qaranka ee sannadkii tagay waxa laga maal-geliyey 106 Mashruuc, oo qiimahoodu gaadhayo 173 Bilyan oo SL.Shillin ah, oo dhammaantood maray Qandaraasyada Qaranka iyo Tartan furan.
 Miisaaniyadda Sannadka 2021-ka waxa la oddorosayaa in laga maal-geliyo Mashaariic Qiimahoodu gaadhayo 273 Bilyan oo SL.Shillin ah.
 Deeqaha Dibedda aynu ka helno waxa ay dalka ka fuliyeen sannadkii tagay mashaariic horumarineed oo qiimahoodu dhan yahay 164.6 Bilyan oo SL.Shillin ah.Waan uga mahad-celinaynaa Saaxiibada Somaliland taageeradaa, waxaanse u sheegayaa in Marxaladda ay Somaliland ku jirto ay u baahan tahay taageero intaa ka badan.
 Waxa lagu kordhiyey Shaqaalaha Dawladda 10% sannadkii tagay, taas oo ka dhigaysa in saddexdii sanno ee la soo dhaafay la kordhiyey tirada Shaqaalaha Dawladda5,150 qof, una dhiganta in guud ahaan Shaqaalaha Dawladda la kordhiyey26%.
 Walow Xukuumaddu tirada intaa leeg oo shaqaale ah ay qaadatay, haddana dadka shaqo la’aantu hayso waxa ay ka noqonaysaa tiro aad u yar.
 Marka la eego Dakhliga Guud ee dalka (GDP), Xukuumaddu waxa ay ka maamushaa in ka yar 10%. Waxaana ka muuqata Miisaaniyadda Xukuumadda in aanay culayska shaqo la’aanta iyo yaraynta faqriga aanay kaligeed dabooli karin. Sidaa darteed, waa hubaal in Shaqo-abuurka iyo horumarka dalka xil weyni ka saaran yahay suuqa xorta ah ee dastuurkeenu jideeyey.
 Qiimaha Shillinka Somaliland waxa lagu ilaaliyay 8,500 halkii Doollar ba, Sicir-bararkuna 3.5 % ayuu hoos ugu dhacay sannadkii tagay. waana heerkii ugu hooseeyay ee muddooyinkii ugu dambeeyey oo dhan uu gaadho.
 Somaliland waxa ka jira afar Baank oo gaar loo leeyahay. Lacagta ay Shacabka Somaliland dhigteen waa200 Milyan oo Doollar oo dhigaal ah. Sannadkii la soo dhaafay, afartaa Baank waxa ay dayn ku bixiyeen70 Milyan oo Doollar. Taas oo macnaheedu yahay in ay Qasnadaha ku hayeen lacag dhan 130 Milyan oo Doollar oo aan samayn wax dhaq-dhaqaaq maaliyadeed ah. Waxaay noqonaysaa in lacagtaasi fadhidaa ka qayb qaadanin wareega maaliyadeed ee dalka. Haddii Lacagtaasi ay wareeg maaliyadeed geli lahayd, waxa ay abuuri lahayd Wershado, Waxay dhisi kari lahayd Cisbitaallo casri ah, waxaanay u abuuri lahayd dadkeena shaqooyin badan.
 Haddaba, maadaama ay wali yihiin Baananka kaliya ee dalka ka hawl-gala, walina ayna iman Baanan Caalami ah, Baanankeena, walow ay duruufo gaar ah qabaan, waxaannu ku boorinaynaa in ay hiigsadaan sida ay u shaqeeyaan Baananka Caalamku, kuwaas oo wareeg maaliyadeed galiya inta badan ee dhigaalka lacageed ee macaamiishooda.
 Waxa la aas-aasay Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha, kaas oo ujeeddadiisa ugu weyni tahay in uu horseed ka noqdo casriyeynta iyo horumarinta nidaamka wax-beerista iyo waraabka ee dalkeena, si loo hiigsan karo isku-filnaansho dhinaca wax-soo-saarka beeraha ah.
 Waxa aynu hore u ogayn in ay dalkeena ka dabar-go’day shinnidii asalka ahayd. Sidaa awgeed, waxa dib loo soo celiyey 23 nooc oo ah Shinnidii asalka ahayd ee Dalagyadii Waddaniga ahaa ee dalkan caanka ku ahaa, waxaanu qorshuhu yahay in la abuuro Kaydkii Shinnida Qaranka (National Seed Bank).
 Waxa la tallaalay Xoolo tiradoodu gaadhayso 3,000,000 oo neef, waxaana ka faa’iidaystay in kabadan 81,000 qoys oo xoolo dhaqato ah.
 Waxa la bilaabay Dhismaha Dekedda Kalluumaysiga ee Maydh oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 5 Milyan oo Doollar.
 Waxa 100% dhammaaday Wajigii Koowaad ee dhismaha Dekedda Berbera oo dhan 400 Mitir, waxaanay Dekeddeenu awood u yeelan doontaa in ay rogto 450 Kun oo Kontayner sannadkii, halka ay hadda ka rogi karto 150 Kun oo Kontayner sannadkii. Taas oo ka dhigan in 67% la kordhiyey awoodda Dekedda Berbera. Waxaynu beegsanaynaa in casriyeyntaasi u horseedo Dekedda Berbera in ay u adeegto dhammaan Dalalka Gobolka.
 Waxa laga dhigayaa Madaarka Berbera, Madaar Caalami ah, oo u adeega dhammaan badeecadaha iyo Shucuubta Gobolka, waxaanu hawl-galayaa sannadkan, Insha Alla.
 Dhismihii Waddada Berbera Corridor, walow uu wakhtigiisii ka habsaamay, duruufo jiray awgeed, haddase waxa uu u socdaa si xawli ah.
 Waxa aan ugu bushaaraynayaa Shacabka Somaliland in WaddadiiBurco – Ceerigaabo dhawaan la dhammaystiri doono, oo ay hadhsan tahay 32 KM oo kaliya. Waxaana hadda dhammaaday 242 KM.
 Waxa la bilaabay dhismahaWaddada Oodweyne-Burco oo ka kooban 53 KM, waxaanay ku dhammaan doontaa muddo kooban, Insha Alla.
 Waxa la bilaabay sahaminta (Survey) Waddada isku xidha Lawyacaddo – Boorama, Waddadaas oo uu innaga Caawiyey Baanka Horumarinta Africa, waxaana la bilaabi doonaa marka ay dhammaato sahamintu Insha Alla.
 Waxa la dhisay Waddo Laami ah oo isku xidha Magaalada iyo Madaarka Laascaanood.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Somaliland waa dal hodan ah oo gaadhi kara isku-filnaansho dhaqaale, haddii aynu gacmaha is qabsano.
Haddii ay Dawladdu tahay Amni suge;
Haddii ay Dawladdu tahay Shaqo-bixiyaha ugu weyn;
Haddii ay Dawladdu tahay Adeeg-bixiyaha ugu weyn;
Haddana, wali waxa jirta shaqo la’aan iyo baahi adeeg bulsho oo badan, oo Qaran ahaan innooga baahan dadaal dheeraad ah.
2. Adeegyada Bulshada:
 Dhinaca Waxbarashada, waxa la dhisay 76 Dugsi oo cusub, waxa tababar u dhammaaday400 oo Macallin, waxaanu u socdaa wali 670 kale.
 Dhinaca Caafimaadka, waxa la tallaalay 589 Kun oo Caruur ah.
 Waxa xarumaha Caafimaadka ee Dawladda lagu daweeyey 1.5 Milyan oo Bukaanah, oo ka badan sannadkii hore 12%.
 Waxa dalkeena ku soo kordhaya Xanuunnada Dhimirka, Macaanka, Dhiig-karka, Wadne-xanuunka, Kansarka, Kalyo-xanuunka oo hore innoogu yaraa. Taas oo ay keenayso is-beddelka ku yimi cimillada, qaab-nololeedka iyo dhaqan-dhaqaalaha bulshadeena.
 Sannadkii tagay, marka la isku daro bukaanka Wasaaradda Caafimaadku xaqiijisay iyo cel-celiska bukaanka aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka ee Dalalka Dibedda u tagay arrin Caafimaad, waxa ay gaadhayaan 5,600 ooqof, taas oo qofkiiba ugu yaraan cel-celis ahaan ay ku baxday, 10 Kunoo Doollar. Taas oo ka dhigan in sannadkii tagay ay bulshadeenu ku bixisay caafimaad Dibadeed in ka badan 56 Milyan oo Doollar.Lacagtaasi, haddii ay bulshadeenu iskaashato, waxa ay innoo dhisi kartaa Cisbitaallo Casri ah. Arrintaasi waxa ay dhiig bax ku tahay dhaqaalihii awalba yaraa ee dalkeena, waxayna u baahan tahay in Qaranka iyo Shacabka Somaliland-ba talo ka yeeshaan arrintaa.
 Waxa la qoday 42 Ceel oo dhaadheer oo cusub, waxaana laga qoday 38 Degmo oo ku kala yaal Gobollada, waxaana la dayactiray 16 Ceel oo hore.
 Waxa la qoday 81 Ceel oo gaa-gaaban, waxaana laga qoday Gobollada dalka.
 Waxa la qoday 13 Dhaam oo waaweyn.
3. Amniga
Dunidda aynu maanta joogno, Nabad-gelyada waxa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn oo ay ka mid yihiin – Difaaca Nabad-gelyada ku dhisan qori iyo xoog iyo Amniga iyo degenaanshaha Bulshada.
– Difaaca Nabad-gelyada
Waxa Illaahay mahaddii ah in maanta Somaliland ay leedahay awood Ciidan oo aan la dhayal-san karin iyo Ciidan Bir-lab ah, Geesiyaal ah, Waayo-arag ah, Naftood hurayaal iyo Sooma-jeestayaal ah, oo ah Ciidanka maanta Nabad-gelyada iyo Degennaansha dhuleed ee Somaliland sugay.
Dawlad iyo Shacabba waxa laga midaysan yahay in hay’ad kasta laga hormariyo Hay’adaha Amniga. Shacabka Somaliland-na waxa uu u hayaa abaal aan duugoobayn.
– Amniga iyo degenaanshaha Bulshada
Amniga oo ah degenaanshaha bulshada waxa lagu gaadhi karaa – Kor u qaadidda garaadka iyo aqoonta dadka.
Marka la helo garaad horumarsan iyo aqoon sare, bulshadu waxa ay yeelataa hal-abuur ay falkiso sida loo maaraynayo dhibaatooyinka horyaalla; Waxay midaysaa cududdeeda iyo caqligeeda; Waxa ay ku tallaabsataa horumar dhaqaale oo xoog ah; Waxa ayna dhisataa maamul hufan oo hirgaliya shuruucda iyo jidka maamul ee ay ku heshiiso.
Xukuumaddu waxa ay ku dadaalaysaa in ay Degenaanshaha Bulshada ku hirgaliso jidka aqoonta iyo kor u qaadista garaadka bulshada. Waxase ka go’an in ay cudud ciidan ku sugto Degenaanshaha Bulshada marka ay lagama maar-maan noqoto.
 Amniga iyo Degenaanshaha Bulshada waxa ugu horreeya in Bulshadu wax wada yeelato, iskaashato, isna aaminto. Taana waxa tiir-dhexaad u ah hawlaha culus ee ay innoo hayaan Hay’adaha Garsoorka. Waxa hubaal ah in Waaxda Garsoorku tahayXabagta isku haysa Shacabka.Sidaa darteed, Waaxda Garsoorku waxay mudnaanta siisay:
• Ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo u sinnaanta sharciga,
• U gar-sooridda bulshada dhexdeeda,
• U gar-sooridda Bulshada iyo Xukuumadda,
• iyo Tafsiirka Muranka Sharci ee ka dhex dhaca Hay’adaha Dawladda.
 Degenaanshaha Bulshada waxa lagu sugi karaa in loo sinnaado Fursadaha Shaqada, dhaqaalaha, fursadaha Waxbarashada iyo in la taageero bulshada qaybaha nuqul. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxa ay abuurtay Barnaamijka Shaqo Qaran oo fursad siman siiya dhallinyarada Somaliland. Waxa kale oo aannu Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ku adkaynay in ay fursadaha shaqo ee ka soo baxa Hay’adaha Dawladda si daah-furan oo xalaal ah loogu tartamo, si aan la isku tuhmin, wada jirka ummaddana wax loo yeelin.
 Iyadda oo mudnaanta la siiyo in la caawiyo qaybaha nugul ee bulshada:
• Waxadeeq dhaqaale lagu taageeray 32,000 oo qoys, kuwaas oo ku kala nool Gobollada Dalka.
• Waxa 18,976 oo hablood loo sameeyey xirfado ay ku shaqaysan karaan iyo maal-gelinta ganacsiyo yar-yar.
• Waxa in ka badan 70,000 oo qoys oo Barakacayaal ah loo qaybiyay raashin iyo alaabooyin kala duwan.
• Waxa 4,500 qoys oo Barakacayaal ah loo qaybiyey lacag dhan $320,000.
 Maamul Wanaagga – Waxa aannu aaminsannahay in Maamul-wanaaggu ka mid yahay tiirarka waaweyn ee lagu beegsan karo Amni Bulsho iyo Horumar ummadeed, laguna heli karo maamul suuban oo laf-dhabar u noqda Dawladnimada.Waxa kale oo uu ka qayb-qaadan karaa kobcinta qaab-dhismeedka iyo hufnaanta shaqada Dawladdi u hayso Shacabkeeda.
Sidaa darteed:
• Waxa dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey nidaamka uu ku shaqeeyo Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.
• Waxa meel adag la iska taagay Xatooyada Xoolaha Ummadda, waxaana Baadhis Xisaabeed iyo Baadhis Maamul lagu sameeyey 72 Hay’adood oo Dawli ah, waxaana la soo eedeeyey31 Masuul Dawladeed ah oo dacwad sugayaal ah.
• Waxa Qasnadda Dawladda lagu soo celiyey lacag dhan 5 Bilyan oo SL. Shillin ah oo laga lunsaday Qaranka.
• Waxa la adkeeyey ku-dhaqanka Shuruucda, Baadhista Dambiyada laga galo Maaliyadda iyo Maamulka.
Mudanayaal iyo Marwooyin;
In kasta oo ay Xukuumaddu dadaal badan galisay in hoos loo dhigo fal-dambiyeedyada kala duwan ee ka dhacadalka, taasinaay keentay in fal-dambiyeedyada qaarkood ay hoos u dhacaan, haddana wali maynaan gaadhin halkii aynudoonaynay.
– Tusaale ahaan, waxa Maxkamadaha soo galay 4,824 dacwadood ama fal-dambiyeed.
– Maxaabiista jeelasha ku jiraa waxa ay gaadhayaan 2,904 Maxbuus.Intooda badan waa DHALLINYARO.
– Waxa la diiwaan-galiyey 377 Dacwadood oo la xidhiidha Tuugnimo.
– Waxa la diiwaan-geliyey 142 Kiis oo KUFSI ah.
– Waxa la diiwaan-galiyey 535 Fal-dambiyeed la xidhiidha ka ganacsiga Maandooriyayaasha kala duwan.
– Waxa la diiwaan-geliyey 302 Dacwadood oo la xidhiidha Shilalka Gaadiidka.
Haddaba, Xukuumaddu markii ay aragtay baaxadda dhibaatada, isla markaana daristay sababaha keenaya dambiyadan, waxa ay u aragtaa in lagu yarayn karo:
– Saboolnimada oo hoos loo dhigo.
– Dadka aqoonta leh oo sameeya wacyi-gelin ka dhan ah dambiyada.
– Xukuumaddu waxa ay xoogga saaraysaa adkaynta sharciyadda lagu xakamayn karo dambiyada, sida; Shilalka Gaadiidka iyo Maandooriyayaasha.
– Xukuumaddu waxa ay dagaal la galaysaa dambiyada kala ah Dilka, Maandooriyaha iyo Kufsiga.
4. Doorashooyinka
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Somaliland waxa lagu majeertaa dimuqraadiyadda iyo degenaanshaha. Labadaas oo dalal Gobolka ku yaallaa aanay nasiib u helin. Doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee hal qof iyo hal Cod oo aynu ku dhaqmaynay muddo 19 sanno ah, waxay Somaliland u horseeday sumcad wanaagsan iyo qadarin.
Waxa Illaahay Mahaddii ah in doorashooyinkii isku-sidkanaa ee muddada dheer la sugayey ee Golaha Wakiillada iyo Deegaanka la diyaariyey in ay qabsoomaan muddo maanta laga joogo 83 maalmood.Saxal-qaaddii fooraha doorashaduna waxa ay ka dhacaysaa dhammaan dacallada Gobollada Somaliland.
Waxaan u mahad-celinayaaGolahaBaarlamaanka, Axsaabta Qaranka, Komishanka Doorashooyinka, Ciidammada Amniga, Murashixiinta iyo Shacabka Somaliland oo isla qaatay doorasho hal cod iyo hal qof ah, isla markaana ka midaysan in ay doorashadu innoogu qabsoonto, oo innoogu dhammaato si nabad-gelyo buuxda ah. Taasi waxa ay muujinaysaa qaan-gaadhnimada siyaasadeed ee ay Somaliland gaadhay.
Xukuumaddu waxa ay ku tala-gashay, oo diyaarisay Miisaaniyaddii Diiwaan-gelinta iyo Doorashooyinka oo dhan 132.6 Bilyan ooSL. Shillin ah.
Markii hawsha doorashada aynu bilownay, waxa inna soo gaadhay ballan-qaad maaliyadeed oo saaxiibada Somaliland innagu caawiyeen. Taas oo ay ku taageerayeen doorashooyinka Somaliland. Taageeradaasi la innoo ballan-qaaday, hor-dhaceediina inna soo gaadhay, waxa ay dhan tahay 50.1 Bilyan oo SL. Shillin ah. Lacagtaasi 33.1BilyanooSL.Shillinoo ka mid ah waxa bixiyey ama ballan-qaaday Dalalka UK, Sweden, iyo Midowga Yurub. Halka 17 Bilyan oo SL.Shillin ah ay bixisayTaiwan.
Dawladda Somaliland waxa ay go’aansatay in doorashada aynu qabsanno, oo aan la innoo qaban. Sababtoo ah doorashooyinku waa masiirkii siyaasadeed ee ummadda, waana masuuliyad innoo gaar ah.
Mudanayaal iyo Marwooyin;
Murashixiinta u taagan doorashooyinka isku-sidkan waa 993 Murashax. Dhammaantood waxa la soo mariyey jaran-jar sharci oo lagu hubinayo aqoontooda, kartidooda iyo xil-kasnimadooda. Ammaan, qadarin iyo ixtiraam baan u haynaa. Dadka Kubadda ciyaaraa waxa ay yidhaahdaan, ‘Kubaddu Waa Bar Cad iyo Bar Madow’. Siyaasaddana warqadda Codbixintu waa Haa iyo Maya. 331 Murashax ayaa helaya waraaqda Haa.
Walaalayaal,
Maanta oo ay doorashada innaga xigto 83 maalmood, tirada murashixiinta guulaysanaysa waynu garanaynaa. Waxa kaliya oo innaga qarsoon magacyadooda iyo wajiyadooda. Waxaan leeyahay tirada natiijada guulaystayaasha ee aan sii arkayno, marka Komishanku magacyadooda ku dhawaaqo, aynu ka ilaalino bulaan iyo sawaxan.
5. Siyaasadda Arrimaha Dibedda
Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland mabdi’iyan waxa ay ku dhisan tahay daris-wanaag, nabad-gelyo iyo iskaashi dhex-mara dalalka Caalamka oo dhan.
Sannadkii dhammaaday waxa uu ahaa sannad hoodo u leh Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland. Waa sannad Somaliland Safaro ku gaalaa bixisay dalal badan oo Afrika ah, sidoo kale aybooqasho innoogu yimaadeen wufuudka kala yimi Caalamka.
30 sanno oo aynu Ictiraafka raadinaynay, cid walba waxa ay innagula talisay, arrinta Somaliland Afrika ayey taallaa, ee Midowga Afrika arrintiina soo mariya. Iyada oo taa laga duulayo, Xukuumaddu waxa ay ku dadaashay in ay la xidhiidho dhammaan dalalka Midowga Afrika. Taasina waxa ay keentay in dalal badan oo Afrikaan ahi Qadiyaddii Somaliland qaarkood ka garaabeen, qaarkoodna taageereen.
Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya
Xukuumadda Somaliland oo ay ka go’an tahay xaqiijinta madax-bannaanida Somaliland, culays kasta oo ay ku kacayso, waxa ay goosatay in ay fagaare walba iyo cid kasta oo ay danta Somaliland gasho, in ay waajahdo.
Sidaa darteed, waxa aannu ogolaanay in la amba-qaado wada-hadalladii innaga iyo Soomaaliya ka dhex socday ee taagnaa muddada dheer.
Sida aad ka war-qabteen, waxa la iskugu yimi Shir-Madaxeedkii ka qabsoomay dalka Jabuuti. Xog-ogaal baad u tihiin in uu ahaa fagaare caalami ah oo weftigii aan hoggaaminayey si kalsooni leh, oo badheedh ah u soo bandhigay qadiyaddeena.
Madaxweynaha Jabuuti waxaannu uga mahad-celinaynaa in uu ku hoggaamiyey shirkaasi waayo-aragnimo, xog-ogaalnimo iyo dhex-dhexaadnimo milgo leh.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Shirkaa waxa ku xigay Marti-qaadkii Madaxweynaha Kenya, Mudane Madaxweyne Uhuru Kenyatta, uu innagu casuumay Dalkiisa. Waad wada og-tihiin hab-maamuuskii iyo karaamadii uu ku qaabilay weftigii aan hoggaaminayey.
Waad wada aragteen War-murtiyeedkii labada Dawladood soo wada saareen ee la baahiyey. Waad ka dharagsan tihiin colaaddii iyo calool xumadii ka soo butaacday Xukuumaddii maalintaa Xamar ka talinaysay iyo go’aankii ay soo saartay. Go’aankaasi umuu jeedin Dawladda Kenya, balse waxa uu qeexayey heerka naca iyo cadaawadda ee ay Dawladdaasi u qabtay Shacabka iyo Qarannimada Somaliland.
Waxa ka horraysay iyana, in ay kula kacday nac iyo colaad taas oo kale ah dalka Gini oo innagu marti-galiyey dalkiisa.
Waxa aan uga mahad-celinayaa Madaxweynayaasha Dalalka Kenya iyo Gini sidii milgaha lahayd ee ay innoo soo dhaweeyeen iyo go’aankii geesinnimada lahaa ee ay qaateen.
Walaalayaal,
Halkaa waxa innooga cad heerka ay gaadhsiisan tahay cadaawadda la innoo qabo.
Balse dhammaan safaraddii iyo wada-hadalladii aynu galnay sannadkii tagay waxa Somaliland uga soo go’ay midho la taaban karo oo ah in Qadiyadda Somaliland tahay Qadiyad Caalami ah oo aan la dhayalsan karin.
Waxa kale oo aynu kasbannay Saaxiibo hor leh oo aan ku yeelanay Afrika iyo Adduunkaba.
Qaramada Midoobay (United Nations)
Dhismaha Qaramada Midoobay waxa saldhig u ah Dhawrista Xuquuqda Aadamaha iyo Xaqa Ummadi u leedahay Aaya-ka-tashigeeda. Waxa Shacabka Somaliland ka xun yahay in Qaramada Midoobay marnaba ixtiraamin Mabaadiida Saldhiga u ah Dhismaha Qaramada Midoobay, marka loo eego sida ay indhaha uga lalisayRabitaanka iyo go’aammadii masiiriga ahaaee Shacabka Somaliland gaadhay 18-kii May 1991.
Shacabka Somaliland, markii ay bur-burtay Dawladdii lagu midoobay, waxa ay go’aansadeen, iyaga oo isku dhan, in ay ka baxaan midowgaasi. Waxa ay qaateen in ay dhistaan Dawladda Somaliland.
Somaliland waxa ay qaadday jidka nabadda, Dawlad dhiska, Dimuqraadiyadda, Doorashooyin qof iyo cod ah, Is-beddelka hoggaanka dalka oo u dhaca si nabad ah. Balse Qaramada Midoobay marna kamay hadal, kamanay garaabin, qadarintii iyo ixtiraamkii ay ka mudnaydna ka may helin Somaliland.
Waxa yaab leh in Dawladaha qaarkood ay aqoonsi iyo taageero Maaliyadeedba ay siiyaan Soomaaliya, oo qaadatay jidkii bur-burka, Fawdada, qaska siyaasadda iyo jah-wareerka.
Saw lama odhan karo Dawladaha hubka iyo dhaqaalaha ku dal-dalaya Soomaaliya waxa ay ka leeyihiin dano guracan oo kollayba ka fog kuwo dan u ah Shacabka Soomaaliya.
Maanta waad og-tihiinoo Dawlad wakhtigeedii dhammaaday, oo aan sharci u kordhin ayaa ka-talisa Muqdisho, doorashana uma jeeddo, waliba sida Warbaahintu sheegayso, Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Xamarwali mawqifka ay ka qabaan Dawladdaa wakhtigeedii dhammaaday ma cadda.
Waxa intaa dheer, oo Somaliland gar-darro ku ah, in Qodobbada la isku haysto ay ka mid tahay wax loogu yeedhay Xubnaha Baarlamaanka Muqdisho ee Gobollada Waqooyi. Somaliland aad bay uga xun tahay in loogu yeedho Gobollada Waqooyi. Somaliland gar-darro cad bay u aragtaa in la yidhaahdo Xubno Baarlamaan oo lagu sheego in ay matalayaan Somaliland ayaa fadhiya Xamar.
Shacabka Soomaaliya waxa aan leeyahay, yaanu aayihiinna ka talin nin dalkiisii fakad ka ah, idinkana aan idiin tudhayn.
Xubnaha Somaliland u dhashay ee hawshaa ku foogan waxaan u sheegayaa in Shuruucdii lagula dhaqmi jiray aad loo adkaynayo, waayo waxa inoo fududaatay in la yidhaahdo waa hebel oo waa nin weynoo dalkiisii kusoo noqdaye halla saamaxo, kii la saamaxay baa noqday oo imika ka taliya meeshii, dee caqli ma aha oo qarannimaday meel kaga dhacay, laakiin sharcigii adkaa ee aad meelmariseen ee ahaa illaa maxkamad la mariyo lama saamixi karo, ayaa lagu dhaqayaa haku talo galaan.
Gebo-gebo:
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Hillaadinta iyo u-diyaar-garowga Mustaqbalku aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxa uu muhiim u yahay wanaajinta nolosha iyo horumarka dadkeena.
Dhibaatooyinka maanta innoo muuqda waxa ka mid ah:
– Dhibaatooyinka Dadku abuuray, sida (Khilaafka badan, Dhuxulaysiga oo abaaraha horseeda, ceshiimooyinka iyo dhul-boobka magaalooyinka).
– Is-beddelka Cimillada adduunka,
– Tiknoolajiga casriga ahi in kastuu wax-tar badan leeyahay, haddana haddimadiisuu leeyahay.
– Dhibaatooyinka Fiditaanka Magaalooyinka iyo Korodhka Qul-qulka dadka Miyiga ka soo guuraya.
Dhibaatooyinkaa aan soo sheegnay,waxa ay inna tusaysaa in ay innoo taallo qabyo badan, waxaanay innagu waajibinaysaa inteenna maanta nool ee xilka haysa Dawlad, aqoon-yahan, Baayac-mushtar, Culimo iyo Wax-garadka guud ahaanba in aan fadhiga ka kacno, oo tacab galno, oo dhito iyo taariikh wanaagsan uga tagno Jiilalka soo socda.
Somaliland maxay doonaysaa 10-ka sanno ee soo socda? Somaliland iyada oo cuskanaysa Hiraalka Horumarinta Somaliland ee 2030,waxa ay doonaysaa in ay noqoto dal dimuqraadi ah oo sharci lagu dhaqmo, nabad-gelyo ah, barwaaqo ah, dadkiisu ku nool yihiin hodan-tinimo loo dhan yahay, oo aan in yar ladnaantu ku koobnayn, iyo in ay noqoto iftiinka aqoonta iyo ilbaxnimada ee ka dhex muuqda Afrika.
Walaalayaal, Hiraalkaa wanaagsan lagu gaadhi mayo fadhi iyo kala qoqob, balse waxa lagu gaadhayaa Iskaashi, Isku-duubni, midnimo iyo walaalnimo aan sal-guurayn oo shacabkeena oo dhan gacmaha isku qabsado sidii aan u gaadhi lahayn hammigaa iyo hiraalkaa inooga muuqda hirka fog.
Ugu dambeyn,
Shacab-weynaha JSL waxaan u rajaynayaa Guul waarta, barwaaqo iyo nabad-gelyo.
Waxa aan mar kale ammaan iyo bogaadin u dirayaa Golayaasha dhawaan xilka wareejin doona. Waxaan soo dhawaynayaa Golayaasha xilka qaban doona.
Waxaan Illaahay ka baryayaa in doorashadu noqoto mid khayr leh oo horumar iyo nabad-gelyo innoo horseeda.
Jamhuuriyadda Somaliland Ha Waarto,
Shacabka Somaliland Ha Guulaysto.
Mahadsanidin.
Eebbaa Mahad Leh.
Halkan Hoose ka daawo muuqaalka khudbad Sannadeedka: 
https://www.youtube.com/watch?v=_4S26YA3aUg