Madaxweynaha Puntland ayaa markii u horaysay maanta soo gaadhay Badhan

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta soo gaadhay magaalada Badhan oo ka tirsan bariga Sanaag.

Waa markii koowaad ee Madaxweyne Puntland ah oo xilka hayaa uu si badheedh ah u yimaaddo degmo ka tirsan Somaliland, taas oo ay Puntland iyaduna sheegato.

Xukuumadda Somaliland ayaan weli war ka soo saarin safarka Cabdiweli Maxamed Gaas ku yimid Puntland.

Hoos ka daawo muuqaalkan hoose ee Facebook-ga lagu baahiyey kaas oo muujinaya sida weyn ee loo soo dhaweeyey Cabdiweli Gaas.

Cabdiweli Gaas waxa badhan ku qaabilay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ah Suldaanka Guud ee Sanaag Bari.