Madaxweynaha Somaliland ayaa Maayar-Xigeenkii hore ee Hargeysa u magacaabay Guddoomiye-Xigeenka Guddida Qandaraasyada

Wareegto Madaxweyne: 16/01/2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-805/012022 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan Arkay: Qodobka 18aad iyo Qodobka 21aad ee Xeerka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer Lr. 82/2018;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyay;
In Cabdicasiis Maxamed Xaashi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

   
                    Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
Line: 518390