Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Dawladda iyo Shacbiga Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal Tacsi ah u dirayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaasiย  aynu jaarka nahay isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid madaxweynihiiย  horeย  ee dalka Itoobiya,ย  Girma Walde giyorgis oo xalay ku geeriyoodayย  Cusbitaal ku yaalla Magaaladda Addis Ababa.

Madaxweynuhu waxa uu Madaxweynihii hore ee geeriyooday ku tilmaamayย  siyaasi ka baxay dawladda Federaalka Itoobiya iyo mandaqadda Geeska Afrikaba, isla markaana muddadii uu xilka hayey door laxaad leh ka qaatayย  iskaashiga iyo xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Itoobiya iyo dawladdaba mar labaad ka tacsiyadaynayaa geerida ku timi madaxweynihii hore ee dalkaas Girma Walde giyorgis.

ALLAA MAHAD LEH

ย Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.