Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay QalinJebinta dufacadii 18aad ee Jaamacadda Camuud Shahaadooyina Gudoonsiiyey

Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta ka qayb galay xaflada qalinjabinta dufacadii 18aad we  jaamacada camuud.

Madaxwaynuhu waxa uu hadalo dhiirigalin ah iyo waliba shahaadooyin gudoonsiiyay ardayda.

Waxaa hadaladiisi ka mid ah:-

“Si aynnu horumar u samaynno aqoonyahanka cusub ee aad kamidka tihiin iyo kuwii horeba waa inaynu ku fikirnaa sidee baynnu khilaafaadka u yaraynaa, sidee baa dadkeennu isu aaminaa, sidee baa dadku wuu isku dhacayaaye marka uu is khilaafo loo daaweeyaa,” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

Hoos ka daawo muuqaalka warkan:-