Siyaasadda (politics) waxa lagu macneeyaa,qaabka ay dadku ugu noolaan karaan kooxo isla markaana go’aamada u gaadhi karaan,marka cilmi ahaan loo raadinayo ama jaamacadaha lagu baranayo waxa loo yaqaan (political Science) waxa loo aqoonsanyahay inuu ahaa Aristotal aabaha Siyaasadda Casriga ah oo noolaa (322-384 BC) kalmadda Politic waxa loo tixgeliyaa marka la soo gaabiyo habka ay waddamadu isu maamulaan sharcigana u dejistaan.
Sida mishiinka oo kale ayay leedahay tool lagu xidh xidho ama lagu fur furo waxa ka mid ah faaqidaad iyo dhabo gal (Analyz and Approach) qofku wuu baran karaa Siyaasadda ama wuxu noqon karaa qof Hibo u leh oo la soo dhasha sida Hoggaminta oo kale.
Qofka shaqadan barta ama ku shaqeya waxa la yidhaa Siyaasi,haddii aynu hore ugu sii soconna waxa lagu tilmaamaa inay tahay (Arts) ama Fan,sida abwaanka,Fanan ka,farshaxanka,ama baarcadaha ciyaarta ka booda oo kale,ama Macalinka askarta tabo bara oo kale waxa uu jecelyahay tababaruhu in Ciidanku cagta isla helo waa uu dhididaa markaas ayuu gaadhaa hadafkiisa,siyaasaddu waa Balwad ama wax uu qofku xiiseeyo oo uu ku nafiso marka uu falanqeeyo ama uu shaqadeeda gudanayo,guud ahaan waxay ku xidhantahay sida uu u qurxiyo ama sharaxaad ugu yeelo qofka ka shaqaynaya.
FIKIRKA LAGA AAMINSANYAHAY SIYAASADDA
Faylasuuf faro badan ayaa siyaabo kala duwan,oo haddana isku ujeedo ah u fasiray siday u arkaan siyaasadda,Antonio Machiavelli “wuxu aaminsanaa inay siyaasaddu tahay laba wajiilayn iyo khiyaamo waxana haboon ayuu ku leeyahay inaad xisaabiso Cududaada iyo Cududda Cadowga kaa soo hor jeeda wax kale ma jiraan”
Aristotle ayaa wuxu aaminsanaa in “Siyaasaddu ninka u tahay sida xayawaanka dabeecadu ama kayntu u tahay oo waa intuu ka cuno ama ka ugaadhsado ,wuxu leeyahay waa ninba tacabkii togey kaa maal oo kale inta aad gashato ayaad ka maalaysaa”
Thomas hobbes “ayaa wuxu qabaa in Xukuumadda iyo Kiniisaddu kala madax banaanaadan”
Ninka la odhan jiray Jaques Rosseue ayaa wuxu rumaysnaa” in Si siman loogu wada shaqeeyo demoqradiyad,dadkuna ay dhamaan ka qayb qaattan siyaasadda,dadkana ay ka go’naataa daacadnimo”
Johsof Stalin ayaa yidhi Siyaasadu waa khiyaamo marka aad qofka cadowgaaga ah is gacan qaadaysaan ee aad heshiinaysaan,waa in dhinaca kale ciidankaaga aad ku daad guraysaa xuduuda idiin dhaxaysa si aad diyaar ugu ahaatto,maxa yeelay haddi aanad sidaas yeelin waxa laga yabaa inuu dhinacaaga weerarku ku soo maqanyahay”sidaas darted aamin ma laha ayuu leeyahay.
SOMALIDA IYO SIYAASADDA
Haddaba waxa habboon qofku marka uu yaryahay,in la waydiiyo oo la yidhaa maxad jeceshay inaad noqotto,arday ayaa yidhaa waxan rabaa inan noqdo dhakhtar,mid kale waxa uu yidhaa Pilot,mid kale macalin,mid kale Siyaasi,halkaas ayaa markaas qofka lagu taageeraa inuu maadada uu jecelyahay barto oo lagu dhiirri geliya oo la yidhaa waad ka midho dhalin doontaa ee halkaas ka sii wad, lkn Somalidu waxay yidhahdaan keebaa maanta shaqo lagu heli karaa,halkaas waxa is waafaqi waaya wixii qofku jeclaa iyo halka uu maray,hadhow qofka dhib ayay ku keentaa,
Haddii uu qofku yaraanta dugsiga dhexe ka sii bilaabo ama ku hammiyo inuu siyaasi noqdo dabcan wuxu marayaa jaran jarradii ay lahayd iyo aqoonteedii oo dhan,wixii caqabad ka hor iman lahaa dhexda ayuu ku sii dhaafayaa, marka uu shakhsigu siyaasi dhab ah yahay Siyaasdda uma doonto dhaqaale keliya lkn waa u hiwaayad oo dhaqaale iyo dhaqaale la’aan waa Siyaasi uun,waxa sii habboon waliba qofku inuu markiisa horeba hayntiisu ay fiicantahay,sababtoo ah xagga fikirka xor ayuu ka ahanayaa.
Haddii ay noqoto siyaasaddu Wax shaqo ama masaariif laga dayo,dee waxay noqonaysaa inuu maalinba cid xag xagto,maalinba xisbiga gaadhi u iibiya uu raaco,dabcan cidda gaadhiga u iibinaysa ama xilka u dhiibaysaa waa cid taqaanna oo barri ka maalin ayaa xilka laga qaadaa illayn waa la ogyahay inaanu mabda’ ku iman xisbiga oo wixisu ahaa dhaqale doon hadafkii laga lahaana waa laga dhamaystay ka dibna qofkaas noloshiisa khatar iyo u qaadan waa ayaa ku yimaadda,waxa uu noqdaa “dacawadii raadkeeda ka tagtay ee raadkii libaaxa gaadhi wayday”
SOO JEEDIN
Waxa muhiim ah in qofku jaran jarro u maro siyaasadda”Process” waxay u baahantay akhlaaq,edaab,Samir,dulqaad,bisayl iyo waayo aragnimo oo waxa uu qofku noqonayaa qof Hayin ah,aqoon iyo waayo aragnimo leh oo naftiisa iyo ta umaddaba wax u tara,haddii kale waxa uu halis gelinayaa naftiisa iyo bulshadaba waxanu noqonayaa hogaamiye umadda jar ka xoora.
Allaa mahad leh
Rashiid odowaa M.A diplomacy and IR
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213