Madaxweynaha Somaliland oo wareegto ku magacaabay Masuuliyiin tiro ah oo ka mid noqon doonna Komishanka Maamul-wanaaga, Dhawrista Tayada, Tacliinta Sare iyo Komishanka Xakaymayta AIDs-ka 

 

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto ku magacaabay Masuuliyiin tiro ah oo ka mid noqon doonna Komishanka Maamul-wanaaga, Dhawrista Tayada, Tacliinta Sare iyo Komishanka Xakaymayta AIDs-ka.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-215/102018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

Magacaabid

 

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

 

Markaan Arkay:               Xeerka Komishanka Maamul-Wanaaga, Xeer Lr. 58/2012;

 

Markaan Arkay:               Xeerka Guddida Qaranka ee Xakamaynta AIDS-Ka, Xeer Lr. 67/2015;

 

Markaan Arkay:               Xeerka Guddida Dhawrista Tayada, Xeer Lr. 68/2014;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

 

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

  • In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Komishanka Maamul-wanaaga u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

 

 

Tir Magaca Xilka
1. Axmed Jaamac Maxamuud Xubin
2. Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Maxamed Xubin
3. Maxamed Axmed Cawaale Xubin
4. Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi Xubin
5. Dayib Aadan Xaaji Cali Xubin

  

  • In laga bilaabo taariikhda maanta aan Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: 
Tir Magaca Xilka
1. Naasir Ayjeex Jaamac Agaasimaha Fulinta
2. Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim Agaasimaha Wacyi-gelinta iyo Abaabulka
3. Maxamed Jaamac Siciid Agaasimaha Tababarada iyo Horumarinta Hawl-wadeenada
4. Maxamed Abiib Yuusuf Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka

         

  • In laga bilaabo taariikhda maanta aan Xubnaha Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

 

Tir Magaca Xilka
1. Faysal Maxamuud Siciid Xubin
2. Maxamed Ismaaciil Dhimbiil (Suufi) Xubin
3. Cali Sheekh Muxumed Aw Cabdi Xubin
4. Xasan Maxamuud Maxamed (Bakoosh) Xubin

                      

  • In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

 

 

Tir Magaca Xilka
1. Xuseen Xaaji Xasan Guuleed Guddoomiye
2. Maxamed Xasan Sheekh Muumin Guddoomiye Ku-xigeen
3. Cabdirisaaq Muuse Faarax Xubin
4. Cismaan Jaamac Aadan Xubin
5. Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Duse) Xubin
6. Axmed Cali Xirsi (Sulub) Xubin

 

 

[

 

  • Masuuliyiintii xilalkan hore u hayey waxaan uga mahad-celinayaa muddadii ay Qaranka u soo shaqeeyeen.

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL