Madaxweynaha Somaliland waxa uu magacaabay Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Musue Biixi Cabdi ayaa Magacaabay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag.

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada ayaa waxay u dhignayd sidan: 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- 

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

MarkaanArkay:          Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; 

Markaan Arkay:         Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay  Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda; 

Markaan Arkay:         Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; 

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey; 

In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland. 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland